Course-kan waxa loogu tala galay qofka aan hore usoo baran Computer-ka ama qofka hore usoo bartay, kadibna ilaawey ee raba in uu dib ugu ceshado.
Xirfadaha aad ku baran-doonto inta uu Course-kani socdo waxa ka mid ah, barashada sida uu Computer-ku u shaqeeyo, qeexitaanka dhabta ah ee Computer-ka, taariikhda Computer-ka, isticmacmaalka Software-ka Computer-ku shaqeeyo iyo guud ahaan qaabka Computer-ka loo isticmaalo.
Sidoo kale, Course-kan waxa aad ku baran-doontaa dhammaan Softwares-ka mihiim-ka ah ee uu ubaahan-yahay qofka computerka adeegsanayaa sida, Microsoft Word,Microsoft Excel, Microsoft Access, Microsoft PowerPoint and Microsoft Publisher.
Marka aad Course-kan dhameyso waxa aad awood u yeelan doontaa in aad si aqooni ku dheehan-tahay ugaga shaqeyso, Schooladda, Jaamacadaha, Goobaha ganacsiga, Madaarada iyo goobaha kala duwan ee Dawladda.
Hadii aad inta uu Course-kani socdo ku dedaasho in aad hab wanaagsan u barato, waxa aad awood u yeelan doontaa in aad xirfadan ganacsigaaga ku horumarisid.
Hadaba hadii aad raadineysay albaabka u horeeya ee laga galo barashada culmuumta Computer Science-ka, halkani waa halkii aad ka bilaabi lahayd ee hada isdiwaan-gali.
3 Courses
Want to receive push notifications for all major on-site activities?