Digital journalism course waa koorso loogu talogalay qofkasta oo danaynaya inuu noqdo warsiye, dhambaal side ama suxufi dadka u tabiya wararka, xogaha iyo informationka ay raadinayaan isagoo adeegsanaya internetka.
Koorsadan waxaad ku baran doontaa farsamooyinka wararka iyo xogaha loo raadiyo ama loo soo uruuriyo, hababka loo xaqiijiyo iyo nidaamyada casriga ah ee loo tabiyo adigoo adeegsanaya website, social media platforms, iwm.
Waxaad sidoo kale koorsadan ku baran doontaa hababka loo diyaariyo mawduucyo xiiso leh (Interesting content creation) iyo agabyada, softwarada iyo websiteyada kaa caawinaya inaad mawduucyo tayo leh aad diyaariso si ay dhambaaladaadu u gaadhaan dad aad u badan.
Isdiwaangali oo aqoontaada dhis!
Want to receive push notifications for all major on-site activities?