Sheerxirfad
Imtixaan hore

Form 4 Af-Soomaali imtixaanka qaranka 2024/2025 iyo jawaabihiisa

Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2024/2025 ee Form 4 Af-Soomaali, su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.

  • 41 su'aalood, 100 dhibcood
  • 120 daqiiqo

Gal imtixaankan

120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.

Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.

Tilmaamaha ardayga

Ka jawaab dhammaan su'aalaha. Ku qor jawaabaha warqadda imtixaanka gudaheeda. Waqtigu waa laba saacadood.

QAYBTA 1AAD EE IMTIXAANKA: B. Goobo geli jawaabta saxda ah (80 Dhibcood)

Akhri qoraalka oo ka jawaab su'aalaha. Dhirtu waxa ay lafdhabar u tahay nolasha nafleyda dhammaan. Nafleyda badda iyo tan barrigaba, waxa ay noloshoodu ku tiirsan tahay dhirta. Dhirta barriga waxa ay isugu jirtaa mid la beero iyo mid iskeeda u baxda. Tan la beero waxaa ka mid ah geed miroodka, sida cambaha, digirta, muuska, galleyda iyo masaggada. Sidoo kale waxaa jira khudrad kala duwan oo qaar caleentooda la cuno, qaarna jirridooda, qaarna xididdadooda. Intaasi waxaa ka badan dhirta dabiiciga ah ee iskeed u baxda, miraha iyo xabagtana laga helo. Xabagtu sida; fooxa, luubaanta, malmalka iyo xabagta hadiga waa laga ganacsadaa. Sidaa darteed dhirtu waxa ay gundhig u tahay nolosha dadka, duunyada, ciddoodka iyo duggaagtaba. Haddii ay dhirtu yaraato ama xaalufto waxaa hoos u dhacaya dhaqaalaha iyo dhaqanka. Dhirtu waxa ay ka qeybqaadataa bilicda deegaanka, waxa ayna noqotaa dalxiis indha doogsi ah. Markii uu roobku da'o oo ay cammuuddu biya ka dharagto, calcalyaduna balliyada ceeggaagto, dhirtuna caleemo kala duwan bixiso, haddii aad dalxiis gaaban ugu baxdo keymo ay xalay miri heshay oo ay indhahaagu qabtaan ciddood kala duwan sida; geriga, deerada, maroodiga, qalanjo iyo arbaba, oo ku laacdamaya dhir rucubta laanta cardunka ah madaxa isgalisay, waxa aad dareemaysaa indha daraandar. Sidaa oo kale jiilaalki waxaa magoola geed madowga. Geed madawgu waa dhirta aan caleentu ka dhammaan ee mar walba cagaaran, dhirtaasi waxaa calafsada xoolaha xilliga jiilaalka, magaaladana hoos iyo qurux ayey u leedahay. Dhirtaasi waxa ay bixisaa xilliga diraacda man qurux badan, kadibna waa ay magooshaa. Magoolku waa caleenta ay dhirta geed madowga ahi bixiso xilliga diraacda inta aan wali roobku di'in. Dhirta waxa ay noo leedahay waxdheef badan, waxa aan cunnaa miraheeda, xabagteeda iyo caleenteeda. Waxaa daaqa oo ku nool duunyada aan dhaqanno sida; geela, geeslayda iyo gammaanta. Ugu dabeyn dhirta waa in aan dhayal loo jarin oo la ilaaliyo.

  1. 1

    Dhirta yar yar ee ka baxda badda gudeheeda waxaa loo yaqaanaa:

    • A.dhirbiyood
    • B.dhirbadeed
    • C.haramobadeed
    • D.dhirgaab
    2 dhibcood
  2. 2

    Akhri qoraalka oo ka jawaab.

    Dhirtu waxa ay lafdhabar u tahay nolasha nafleyda dhammaan. Nafleyda badda iyo tan barrigaba, waxa ay noloshoodu ku tiirsan tahay dhirta. Dhirta barriga waxa ay isugu jirtaa mid la beero iyo mid iskeeda u baxda. Tan la beero waxaa ka mid ah geed miroodka, sida cambaha, digirta, muuska, galleyda iyo masaggada. Sidoo kale waxaa jira khudrad kala duwan oo qaar caleentooda la cuno, qaarna jirridooda, qaarna xididdadooda.
    Intaasi waxaa ka badan dhirta dabiiciga ah ee iskeed u baxda, miraha iyo xabagtana laga helo. Xabagtu sida; fooxa, luubaanta, malmalka iyo xabagta hadiga waa laga ganacsadaa. Sidaa darteed dhirtu waxa ay gundhig u tahay nolosha dadka, duunyada, ciddoodka iyo duggaagtaba.
    Haddii ay dhirtu yaraato ama xaalufto waxaa hoos u dhacaya dhaqaalaha iyo dhaqanka. Dhirtu waxa ay ka qeybqaadataa bilicda deegaanka, waxa ayna noqotaa dalxiis indha doogsi ah.
    Markii uu roobku da'o oo ay cammuuddu biya ka dharagto, calcalyaduna balliyada ceeggaagto, dhirtuna caleemo kala duwan bixiso, haddii aad dalxiis gaaban ugu baxdo keymo ay xalay miri heshay oo ay indhahaagu qabtaan ciddood kala duwan sida; geriga, deerada, maroodiga, qalanjo iyo arbaba, oo ku laacdamaya dhir rucubta laanta cardunka ah madaxa isgalisay, waxa aad dareemaysaa indha daraandar.
    Sidaa oo kale jiilaalki waxaa magoola geed madowga. Geed madawgu waa dhirta aan caleentu ka dhammaan ee mar walba cagaaran, dhirtaasi waxaa calafsada xoolaha xilliga jiilaalka, magaaladana hoos iyo qurux ayey u leedahay. Dhirtaasi waxa ay bixisaa xilliga diraacda man qurux badan, kadibna waa ay magooshaa. Magoolku waa caleenta ay dhirta geed madowga ahi bixiso xilliga diraacda inta aan wali roobku di'in.
    Dhirta waxa ay noo leedahay waxdheef badan, waxa aan cunnaa miraheeda, xabagteeda iyo caleenteeda. Waxaa daaqa oo ku nool duunyada aan dhaqanno sida; geela, geeslayda iyo gammaanta. Ugu dabeyn dhirta waa in aan dhayal loo jarin oo la ilaaliyo.
    
    Erayga "magool" macnihiisu waa:
    • A.ubax
    • B.jirrid
    • C.caleen
    • D.miro
    2 dhibcood
  3. 3

    Dhulka meesha ugbaadka ah ee beerashada iyo daaqsinta ku habboon waxaa loo yaqaan:

    • A.cosob
    • B.kaliil
    • C.raso
    • D.hiil
    2 dhibcood
  4. 4

    Erayga "Geesley" waxaa loo la jeedaa:
    • A.riyo iyo ido
    • B.ari' iyo lo'
    • C.geel iyo lo'
    • D.ari' iyo geel
    2 dhibcood
  5. 5

    Geedka "waambaha" waxaa la cunaa:

    • A.xididkiisa
    • B.mirihiisa
    • C.caleentiisa
    • D.fiiddiisa
    2 dhibcood
  6. 6

    Roobka da'a dabayaaqada xilliga guga waxaa loo yaqaanaa:

    • A.gudgude
    • B.mansuunta
    • C.gufaaco
    • D.xanqar
    2 dhibcood
  7. 7

    Akhri qoraalka oo ka jawaab.

    Dhirtu waxa ay lafdhabar u tahay nolasha nafleyda dhammaan. Nafleyda badda iyo tan barrigaba, waxa ay noloshoodu ku tiirsan tahay dhirta. Dhirta barriga waxa ay isugu jirtaa mid la beero iyo mid iskeeda u baxda. Tan la beero waxaa ka mid ah geed miroodka, sida cambaha, digirta, muuska, galleyda iyo masaggada. Sidoo kale waxaa jira khudrad kala duwan oo qaar caleentooda la cuno, qaarna jirridooda, qaarna xididdadooda.
    Intaasi waxaa ka badan dhirta dabiiciga ah ee iskeed u baxda, miraha iyo xabagtana laga helo. Xabagtu sida; fooxa, luubaanta, malmalka iyo xabagta hadiga waa laga ganacsadaa. Sidaa darteed dhirtu waxa ay gundhig u tahay nolosha dadka, duunyada, ciddoodka iyo duggaagtaba.
    Haddii ay dhirtu yaraato ama xaalufto waxaa hoos u dhacaya dhaqaalaha iyo dhaqanka. Dhirtu waxa ay ka qeybqaadataa bilicda deegaanka, waxa ayna noqotaa dalxiis indha doogsi ah.
    Markii uu roobku da'o oo ay cammuuddu biya ka dharagto, calcalyaduna balliyada ceeggaagto, dhirtuna caleemo kala duwan bixiso, haddii aad dalxiis gaaban ugu baxdo keymo ay xalay miri heshay oo ay indhahaagu qabtaan ciddood kala duwan sida; geriga, deerada, maroodiga, qalanjo iyo arbaba, oo ku laacdamaya dhir rucubta laanta cardunka ah madaxa isgalisay, waxa aad dareemaysaa indha daraandar.
    Sidaa oo kale jiilaalki waxaa magoola geed madowga. Geed madawgu waa dhirta aan caleentu ka dhammaan ee mar walba cagaaran, dhirtaasi waxaa calafsada xoolaha xilliga jiilaalka, magaaladana hoos iyo qurux ayey u leedahay. Dhirtaasi waxa ay bixisaa xilliga diraacda man qurux badan, kadibna waa ay magooshaa. Magoolku waa caleenta ay dhirta geed madowga ahi bixiso xilliga diraacda inta aan wali roobku di'in.
    Dhirta waxa ay noo leedahay waxdheef badan, waxa aan cunnaa miraheeda, xabagteeda iyo caleenteeda. Waxaa daaqa oo ku nool duunyada aan dhaqanno sida; geela, geeslayda iyo gammaanta. Ugu dabeyn dhirta waa in aan dhayal loo jarin oo la ilaaliyo.
    
    Erayga "man" macnihiisu waa:
    • A.caleen
    • B.ubax
    • C.miro
    • D.xidid
    2 dhibcood
  8. 8

    "Gammaan" waxaa loola jeedaa
    • A.ariga, lo' da iyo baqasha
    • B.lo'da dameeraha iyo fardaha
    • C.dameeraha , fardaha iyo baqasha
    • D.geela, dameeraha iyo ariga
    2 dhibcood
  9. 9

    "Haruur" waxaa la micna ah:

    • A.digir
    • B.galleey
    • C.masaggo
    • D.sisin.
    2 dhibcood
  10. 10

    Akhri qoraalka oo ka jawaab.

    Dhirtu waxa ay lafdhabar u tahay nolasha nafleyda dhammaan. Nafleyda badda iyo tan barrigaba, waxa ay noloshoodu ku tiirsan tahay dhirta. Dhirta barriga waxa ay isugu jirtaa mid la beero iyo mid iskeeda u baxda. Tan la beero waxaa ka mid ah geed miroodka, sida cambaha, digirta, muuska, galleyda iyo masaggada. Sidoo kale waxaa jira khudrad kala duwan oo qaar caleentooda la cuno, qaarna jirridooda, qaarna xididdadooda.
    Intaasi waxaa ka badan dhirta dabiiciga ah ee iskeed u baxda, miraha iyo xabagtana laga helo. Xabagtu sida; fooxa, luubaanta, malmalka iyo xabagta hadiga waa laga ganacsadaa. Sidaa darteed dhirtu waxa ay gundhig u tahay nolosha dadka, duunyada, ciddoodka iyo duggaagtaba.
    Haddii ay dhirtu yaraato ama xaalufto waxaa hoos u dhacaya dhaqaalaha iyo dhaqanka. Dhirtu waxa ay ka qeybqaadataa bilicda deegaanka, waxa ayna noqotaa dalxiis indha doogsi ah.
    Markii uu roobku da'o oo ay cammuuddu biya ka dharagto, calcalyaduna balliyada ceeggaagto, dhirtuna caleemo kala duwan bixiso, haddii aad dalxiis gaaban ugu baxdo keymo ay xalay miri heshay oo ay indhahaagu qabtaan ciddood kala duwan sida; geriga, deerada, maroodiga, qalanjo iyo arbaba, oo ku laacdamaya dhir rucubta laanta cardunka ah madaxa isgalisay, waxa aad dareemaysaa indha daraandar.
    Sidaa oo kale jiilaalki waxaa magoola geed madowga. Geed madawgu waa dhirta aan caleentu ka dhammaan ee mar walba cagaaran, dhirtaasi waxaa calafsada xoolaha xilliga jiilaalka, magaaladana hoos iyo qurux ayey u leedahay. Dhirtaasi waxa ay bixisaa xilliga diraacda man qurux badan, kadibna waa ay magooshaa. Magoolku waa caleenta ay dhirta geed madowga ahi bixiso xilliga diraacda inta aan wali roobku di'in.
    Dhirta waxa ay noo leedahay waxdheef badan, waxa aan cunnaa miraheeda, xabagteeda iyo caleenteeda. Waxaa daaqa oo ku nool duunyada aan dhaqanno sida; geela, geeslayda iyo gammaanta. Ugu dabeyn dhirta waa in aan dhayal loo jarin oo la ilaaliyo.
    
    "foox" waa:
    • A.Miro
    • B.caleen
    • C.xidid
    • D.xabag
    2 dhibcood
  11. 11

    Erayga "ceelkageeye" waxa uu ka kooban yahay.

    • A.magac, fal iyo meeleeye
    • B.magac, falkaab iyo meeleeye
    • C.magac, magac u yaal iyo fal
    • D.magac, fal iyo falkaab
    2 dhibcood
  12. 12

    Erayga "Afgooye" waxa uu ka kooban yahay:

    • A.Fal tilmaame
    • B.sifo iyo magac
    • C.fal iyo xiriiriye
    • D.fal iyo sifo
    2 dhibcood
  13. 13

    Noocyada weeraha af Soomaaliga waxaa ka mid ah:

    • A.weer fudud, mid kakan, mid qalloocan
    • B.weer jilicsan, mid fudud, iyo mid toosan
    • C.weer dadban, mid toosan, iyo mid qaloocan
    • D.weer dhafan, mid fudud, iyo mid kakan
    2 dhibcood
  14. 14

    Eray weydiimeedyada magac-u-yaallada dheddig waxaa ka mid ah:

    • A.kuwee, kuma, tuma, sidee
    • B.xaggee, goorma, kee, kuwee
    • C.kee, kuma, xaggee, immisa
    • D.tee, kuwee, yaa, tuma
    2 dhibcood
  15. 15

    Magac lab ee kelida ah haddii uu ku dhammaado shaqalka "e" waxa uu wadar ku noqdaa:

    • A.aal
    • B.yaal
    • C.aayaal
    • D.yooyin
    2 dhibcood
  16. 16

    Xiriiriyeyaasha af-Soomaaliga waxa aan ka mid ahayn:-

    • A.sidee
    • B.sidaa darteed
    • C.markaa
    • D.mise
    2 dhibcood
  17. 17

    Magacyada qarsoon waxaa ka mid ah:

    • A.buug
    • B.miis
    • C.aqoon
    • D.qalin
    2 dhibcood
  18. 18

    Magacyada aan kelida lahayn waxaa ka mid ah:

    • A.nin
    • B.wiil
    • C.rag
    • D.macallin
    2 dhibcood
  19. 19

    Erayga "maamule" waxa uu ka kooban yahay:

    • A.saddex dhawaaq
    • B.laba dhawaaq
    • C.hal dhawaaq
    • D.afar dhawaaq
    2 dhibcood
  20. 20

    Erayga "jalalaqsi" waxa uu ka kooban yahay

    • A.lix xubnood
    • B.saddex xubnood
    • C.afar xubnood
    • D.shan xubnood
    2 dhibcood
  21. 21

    Naxwaha af Soomaaliga waxaa ka mid ah:

    • A.magac, tilmaan, iyo meeleyn
    • B.fal, tix iyo tiraab
    • C.falkaab, tilmaame iyo astaamaha
    • D.meeleeye, magac u yaal iyo tilmaame
    2 dhibcood
  22. 22

    Hadalku waxaa uu ka kooban yahay:

    • A.tix
    • B.sheeko
    • C.tiraab
    • D.b iyo J
    2 dhibcood
  23. 23

    Marka guddoonka guurku dhaco martida waxa ay bixin jireen:

    • A.yarad
    • B.Yabadh
    • C.Gabaati
    • D.kaalo
    2 dhibcood
  24. 24

    Falku waxa uu u kala baxaa:

    • A.tagto, timaaddo iyo taagan
    • B.timaaddo, joogto iyo socoto
    • C.soo socoto joogto, taagan iyo sii socoto
    • D.taagan, mataagan, iyo majoogto ma socoto
    2 dhibcood
  25. 25

    Erayga "saxansaxo" waa:

    • A.dabaysha roobka
    • B.dhibcaha roobka
    • C.daruurta roobka
    • D.xareedda roobka
    2 dhibcood
  26. 26

    Erayga "abbaan" waxaa la micna ah.

    • A.geesi
    • B.cadow
    • C.hoggaamiye
    • D.saaxiib.
    2 dhibcood
  27. 27

    Hasha ilmaheedu dhintay ee ilmaha kale lagu maalo waxaa loo yaqaan.

    • A.igar
    • B.sidig
    • C.habad
    • D.galoof
    2 dhibcood
  28. 28

    Wananka iyo orgida la dhufaanay si loo iibiyo waxaa loo yaqaan:

    • A.jar
    • B.dibaax
    • C.loog
    • D.labood
    2 dhibcood
  29. 29

    Marka la doonayo in meel cusub oo aan horay loo beeran jirin labeero waxaa lagu sameeyaa:

    • A.geed abuur
    • B.geed tacab
    • C.geed qaad
    • D.geed beer
    2 dhibcood
  30. 30

    Erayga "hanfi" waa dabeyl :

    • A.qabow
    • B.kulul
    • C.badan
    • D.yar
    2 dhibcood
  31. 31

    Waranka yar waxaa la yiraahdaa:

    • A.taki
    • B.ableey
    • C.golxab
    • D.billaawe
    2 dhibcood
  32. 32

    Maahmaahda "Isma hurto waa haan iyo haruub" waxaa loo adeegsadaa:

    • A.Colaad
    • B.nabad
    • C.ammaan
    • D.waano
    2 dhibcood
  33. 33

    "Gudcur dam ah daw laga cabsado iyo daluun jeexan

    Miiraale dooxyada rogoo daadku mulacyeeyey
    Aar diiqalyaynayiyo maskiyo daalinkiyo tuugga
    Ama dayradhaafkoo qabow diqinka jiilaalka
    Dubatada cadceediyo hafayga diiran hilibkaaga
    Dantii nimay waddaa baa dhexmara diima-diimaha'e
    Hurdo wayga duuf waayadaan umal daraadiiye..."
    (Su'aalaha 33 iyo 34 waxa ay ku saleysan yihiin tixdan kore)
    
    Ereyga daluun waxaa halka loola jeedaa:
    • A.waddo
    • B.habeen
    • C.haadaan
    • D.webi
    2 dhibcood
  34. 34

    "Gudcur dam ah daw laga cabsado iyo daluun jeexan

    Miiraale dooxyada rogoo daadku mulacyeeyey
    Aar diiqalyaynayiyo maskiyo daalinkiyo tuugga
    Ama dayradhaafkoo qabow diqinka jiilaalka
    Dubatada cadceediyo hafayga diiran hilibkaaga
    Dantii nimay waddaa baa dhexmara diima-diimaha'e
    Hurdo wayga duuf waayadaan umal daraadiiye..."
    (Su'aalaha 33 iyo 34 waxa ay ku saleysan yihiin tixdan kore)
    
    Ereyga miiraale waxaa halkan loola jeedaa:
    • A.wasaq badan
    • B.biyo
    • C.qof miyirkii ka tagay
    • D.Roob xoog leh
    2 dhibcood
  35. 35

    "Ninka guba dalkiisee

    Latashada gumeystoow
    Kugu garanay taladaad
    Lagar guuraneyee"
    Suugaantani baddeedu waa:
    • A.saar
    • B.jiifto
    • C.geeraar
    • D.buraanbur
    2 dhibcood
  36. 36

    Erayga "Qaafiyad" waa astaanta lagu aqoonsado:

    • A.tiraabta
    • B.tixda
    • C.riwaayadda
    • D.maahmaahda
    2 dhibcood
  37. 37

    Hooriska gabaygu waxa uu ka kooban yahay:

    • A.20 alan
    • B.8 alan
    • C.12 alan
    • D.18 alan
    2 dhibcood
  38. 38

    Meeriskan "Aboorkuba allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne" waxa uu ka hadlayaa:

    • A.awood qeybsi
    • B.iskaashi
    • C.wax kala goosi
    • D.maamul xumada
    2 dhibcood
  39. 39

    "Dhulka baaxad sooriyo bannaan miiran weeyaan ama waa bus iyo xoon" meesiyadan waxa ay ku jiraan maansadii:

    • A.seylo
    • B.dhaqan
    • C.difaac qaran
    • D.baaq
    2 dhibcood
  40. 40

    Ku buuxi tixdan ereyga ku habboon: "Leg ninkii siiyay bey dishaa ____________ doqoneede"

    • A.leydh
    • B.liida
    • C.lukiyan
    • D.hiilo
    2 dhibcood

Qeybta 2aad: Curis (20 dhibcood)

  1. 41

    Ka qor curis ugu yaraan 20 sadar ah mid kamid ah mowducyadan hoose adiga oo dhowraya habraacyada qoraalka iyo astaameynta af Soomaaliga. Qoraalkaaga haka muuqdeen: hordhac, caqabadaha jira iyo xalkooda, fursadaha jira iyo ka faa'iideysigooda, iyo ugu dambeyn gunnaanad aad ku soo bandhigeyso talooyinkaaga.

    A. Hab qoraalka mowduuca (12 dhibcood)
    B. Xeerarka naxwaha (4 dhibcood)
    C. Astaameynta qoraalka (4 dhibcood)
    Dooro mid ka mid ah mowduucyadan:
    1. Sidee Soomaaliya u gaari kartaa isku-filnaasho dhinaca dhaqaalaha ah?
    2. Muxuu yahay dowrka kaaga aaddan mideynta ummadda Soomaaliyeed?
    20 dhibcood

Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.

Imtixaanada kale ee hore ee Form 4 Af-Soomaali

Dhammaan cutubyada Form 4 Af-Soomaali
Sheerxirfad

Barta ugu horreysa ee waxbarashada online-ka ah ee Soomaaliya. Ku baro ACCA, xisaabtanka, ganacsiga iyo teknoolajiyada Af-Soomaali iyo English telefoon kasta, oo hel shahaado la xaqiijiyay.

Waxaan aqbalnaa

Payment method 1
Payment method 2
Payment method 3
Payment method 4

© Copyright 2026 Sheerxirfad, Dhammaan xuquuqda waa la dhowray. Waxaa farsameeyay Ilays Solutions