Form 4 Af-Soomaali imtixaanka qaranka 2018 iyo jawaabihiisa
Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2018 ee Form 4 Af-Soomaali, su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.
- 47 su'aalood, 100 dhibcood
- 120 daqiiqo
Gal imtixaankan
120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.
Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.
Tilmaamaha ardayga
Imtixaanku waxa uu ka kooban yahay 12 bog oo daabacan. Tiri oo hubi haddii wax kaa maqan yihiin u sheeg horjoogahaaga ku ilaalinaaya.
Qaybta 1-aad: Goobo geli jawaabta saxda ah (30-dhibcood)
Akhri sheekada kadibna ka jawaab su'aalaha. SHEEKO: ODAYGII DACADDA AHAA. Waqti hore waxaa jiray nin duq ah oo la noolaa xaaskiisa, saddex wiil iyo gabar uu dhalay. Asaga waxaa uu ahaa sabool, laakiin nin daacad ah ayaa uu ahaa. Waxaa uu lahaa dhul yar oo uu ku beeran jiray khudaar. Wiilkiisa weyn waxaa la dhihi jiray Cali, isana waxaa uu ahaa wiil caqli badan. Markii uu Cali dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare waxaa uu ku dadaalay sidii uu ugu heli lahaa waxbarasho ka sarraysa, laakiin saboolnimadii uu reerka ku ogaa awgeed waa uu ka talo baxay fikradaas, ka dib waxaa uu go'aansaday in uu shaqo galo, si uu u caawiyo duqa aabbihiis ah una daryeelo reerkooda. Asaga waxa uu bilaabay in uu magaalada gudaheeda ka raadsado shaqo. Muddo badan ayaa uu raadinayey shaqada, laakiin ma uu san helin shaqo. Sidaas darteed aabbihiis waxaa uu ku waaniyey asaga in uu ka raadsado shaqo magaalo kale, taas oo u jirtay sideed km. Maalin walba waxaa uu ku aadi jiray lug goor hore, wuxuuna soo laaban jiray goor danbe oo fiid ah. Sidaas darteed waxa uu raadinayey shaqada saddex bilood in ka badan, laakiin nasiib xumo ma uu san helin shaqo. Maalin maalmaha ka mid ah mar uu ku soo laabanayey guriga, ayaa waxa uu fariistay geed hoostiisa si uu u nasto. Waxa uu bilaabay in uu fakaro waxa uuna yiri: "waa maxay nasiib xumadaani"? Waxa uu yiri, saddexdii bilood ee ugu dambaysay waxa aan raadinayey shaqo, waana ku guul daraystay. Dhab ahaantii waxa aan ka murugaysanahay sida adag ee aabbahay ugu shaqaynayo reerka, asaga oo ah da'adaas. Allaw waxa aan kaa baryayaa in aad ii sahasho in aan helo shaqo si aan u caawiyo, duq aabbahay ah iyo qoyskeenna. Markii uu nastay wiilkii 10-15 daqiiqo waxaa uu bilaabay socod. Waxaa uu si dhaqso ah u socday 1 km waqtigaas oo uu arkay boorso yar oo tiilay dhinaca jidka. Ka dib markii uu xaqiiqsaday in uu dhinaciisa qofna joogin, ayaa uu qaatay boorsadii waxa uuna u qaatay dhinaca hawdka si uu u arko wixii ku jiray. Markii uu furay boorsadii, waxaa uu la yaabay lacagta isku xiran ee uu ka dhex helay iyo waraaqo kale oo ku jiray. Waxaa uu bilaabay tirintii lacagta. Waxaa uu la yaabay lacagta uu helay oo ahayd $ 5000 (doolar). Lacagtaas badan aad ayaa uu ugu farxay. Lacagtii waxa uu ku celiyey boorsadii, si dhaqso ahna waa uu u socday. Ka dib gaaritaankii guriga, waxaa uu aabbihiis u sheegay sida uu u helay boorsada iyo wixii ku jiray. Waxaa uu wiilkii aabihiis ku yiri: waxa aan ku bilaabaynaa dukaan yar lacagtaan. Waxaana ku noolaanaynaa nolol fiican. Markii uu aabbihiis ka maqlay warkaas waxaa uu ku yiri: "wiilkeygii qaaliga ah ee Cali, tani ma ahan lacagteennii, xaqna uma lehin in aan haysanno. Ma dareemi kartaa sida ninkii lahaa uu uga xun yahay lacagta ka dhuntay, Cali waxa uu yiri, haa aabbe. Anigu waxa aan ka helay lacagtan jidka mana ka soo xadin qofna, tan kale ma jiro qof I arkaayey markii aan qaadayey boorsada. Waana waayey cid aan ku celiyo lacagtaas. Markii uu maqlay aabbihiis, cod gaaban waxaa uu yiri "wiilkaygiiyow, waxa aad leedahay qofna ima arkayn markii aan qaadayey boorsada, laakiin ma hilmaantay in uu Alle (SW) ku arkaayey. Sidaas darteed lacagtaan celi adiga oo aan daahin maadaama aad warqadaha lacagta la socday ka heshay ninka leh cinwaankiisa". Wiilkii waxa uu yiri: "waayahay Aabbe waa aqbalay waana run in Alle (SW) arkayo waxa aan samaynayo. Maalintii xigtay waxaa uu aaday wiilkii ninkii lahaa boorsada asaga oo ku yiri: boorsadaan shalay ayaa aan helay, fadlan tiri lacagtaada. Ninkii waxa uu aad u jeclaystay daacadnimada Cali. Markaas waxa uu siiyey $500 (doolar) oo abaal marin ah. Cali waa uu diiday in uu qaato lacagtaas, laakiin waxa uu ku yiri: "waxa aan six un ugu baahanahay shaqo. Waxa aan aad ugu farxi lahaa in aad i siiso shaqo, taas oo iiga fiican in aan qaato lacagtan. Ninka lacagta ka luntay waxa uu lahaa warshad weyn. Sidaas darteed waxa uu si dhakhso ah wiilkii ku siiyey shaqo mushahar fiican leh. "Cali muddo badan ayaa uu ka shaqaynaayey warshadaas, waxa uuna ka helay dhaqaale badan oo reerkii iyo aabbihiiba anfacday, waxayna ku noolaayeen farxad iyo rayn rayn.
- 11.5 dhibcood
Odaygii daacadda ahaa wuxuu la noolaa:
- A.xaaskiisa, 3 wiil iyo gabadh uu dhalay
- B.xaaskiisa, 2 wiil iyo gabadh
- C.xaaskiisa, 1 wiil iyo gabadh
- D.xaaskiisa, iyo gabadh
- 21.5 dhibcood
Odaygu wuxuu ahaa:
- A.nin taajir ah
- B.nin sabool ah
- C.nin caro badan
- D.nin shaqo badan
- 31.5 dhibcood
Odaygu waxa uu wiilkiisa ku waaniyey in uu shaqo u raadsado:
- A.magaalo u jirta 7 km
- B.magaalo u jirta 6 km
- C.magaalo u jirta 5 km
- D.magaalo u jirta 8 km
- 41.5 dhibcood
Cali wuxuu shaqo raadinaayey:
- A.muddo dhan 5 bilood
- B.muddo dhan 6 bilood
- C.muddo dhan 3 bilood
- D.muddo dhan 2 bilood
- 51.5 dhibcood
Cali waxa uu nasanaayey muddo dhan:
- A.10-5 daqiiqo
- B.10-16 daqiiqo
- C.10-20 daqiiqo
- D.10-14 daqiiqo
- 61.5 dhibcood
Cali wuxuu arkay intii uu ku socday jidka:
- A.sanduuq yar oo jidka yaala
- B.boorso yar oo jidka taala
- C.ubbo yar oo jidka taala
- D.shaati yar oo jidka yaala
- 71.5 dhibcood
Cali xawaarihii u ku socday waxa uu ahaa:
- A.2 km
- B.1km
- C.3 km
- D.4 km
- 81.5 dhibcood
Cali wuxuu la yaabay lacagta uu helaayo oo ahayd:
- A.$10.000 (doolar)
- B.$8.000 (doolar)
- C.$4.000 (doolar
- D.$5.000 (doolar)
- 91.5 dhibcood
Wiilku waxa uu aabbihiis ku yiri:
- A.lacagta geel ayaa aan ku gadanayaa
- B.lacagta gaari ayaa aan ku gadanayaa
- C.lacagta dukaan ayaa aan ku furanayaa
- D.lacagta ari ayaa aan ku gadanayaa
- 101.5 dhibcood
Daacadnimada Cali waxa uu ku kasbaday:
- A.in la siiyo abaalmarin dhan $400 (doolar)
- B.in la siiyo abaalmarin dhan $300 (doolar)
- C.in la siiyo abaalmarin dhan $200 (doolar)
- D.in la siiyo abaalmarin dhan $500 (doolar)
- 111.5 dhibcood
Ereyga hilmaan macnihiisu waa:
- A.ismoodsiin
- B.dheeldheel
- C.digasho
- D.khiyaali
- 121.5 dhibcood
Luntay waxa la mid ah
- A.caymis
- B.ambatay
- C.dayooday
- D.halawday.
- 131.5 dhibcood
Aaran waxa loo yaqaan
- A.barwaaqo
- B.qaalmaha iyo qaalimada geela
- C.abaar
- D.b iyo t
- 141.5 dhibcood
Naq waxa loo yaqaan
- A.gu` ama xilli barwaaqo ah
- B.geedo
- C.doog
- D.intaba
- 151.5 dhibcood
Baad waxa loo yaqaan
- A.tigaad ama daaq
- B.baadadka indhaha
- C.shimbir
- D.b iyo t
- 161.5 dhibcood
Okhole waxa loo yaqaan
- A.weel caanaha lagu shuban jiray
- B.wadaanta ama dawliska oo kale
- C.agabka aqal soomaaliga lagu dhiso
- D.intaba
- 171.5 dhibcood
Gog waxa loo yaaqaan
- A.gogol
- B.bog
- C.weel saan ah oo subagga lagu shuban jiray
- D.geed
- 181.5 dhibcood
Utun waxa la mid ah
- A.abaal
- B.hiijo
- C.godob
- D.t iyo j
- 191.5 dhibcood
Doqon waxa la mid ah
- A.dabaal
- B.halaaje
- C.nacas
- D.intaba
- 201.5 dhibcood
Maroodiga labka ah waxa loo yaqaan
- A.Arayo
- B.Aareeye
- C.Arbe
- D.bool
Qaybta 2-aad: Maahmaahyo (14-dhibcood)
Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan.
- 2.12 dhibcood
Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Xumbo iyo xiisaba waa guraan (dhammaadaan)
- 2.22 dhibcood
Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Nin weyni wedkii waa yaqaan
- 2.32 dhibcood
Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Inta nabad la haysto yaa ninba laba nin leeg yahay
- 2.42 dhibcood
Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Tabcadaa ma tuugsado
- 2.52 dhibcood
Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Xalaal iftiin baa la cunaa
- 2.62 dhibcood
Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Nin weyni wedkii waa yaqaan
- 2.7b1 dhibcood
Dhammaystir murtidan hoos ku xusan: b. Dani waa _____
- 2.7t1 dhibcood
Dhammaystir murtidan hoos ku xusan: t. _____ dad la tooyasho maaha
Qaybya 3-aad: Maanso (10-dhibcood)
Sharax kooban ka bixi maansooyinkan soo socda.
- 3.1b5 dhibcood
Sharax kooban ka bixi maansooyinkan soo socda: b. Dunidaba macaankeedu waa maalmo kuu qorane / Middaan doonayaa waa dadkoo hela muraadkiiye
- 3.1t5 dhibcood
Sharax kooban ka bixi maansooyinkan soo socda: t. Garoo nolosha gabigeedu waa gole ciyaareede / Go'aankeedu waa sheekadoo galaysa taariikhe
Qaybta 4aad: Ereyo iyo Naxwe
B. Qor macnaha ereyadan (14-dhibcood). X. Ka soo saar sifada ku jira weerahan (5-dhibcood). B. Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda (7-dhibcood).
- 4B.12 dhibcood
Qor macnaha ereyadan: Xawda kuu jaraye
- 4B.22 dhibcood
Qor macnaha ereyadan: Xaas walwaalada
- 4B.32 dhibcood
Qor macnaha ereyadan: Liiraha
- 4B.42 dhibcood
Qor macnaha ereyadan: Xijiga
- 4B.52 dhibcood
Qor macnaha ereyadan: Xafaar
- 4B.62 dhibcood
Qor macnaha ereyadan: Saanyada
- 4B.72 dhibcood
Qor macnaha ereyadan: Xanan
- 4X.11 dhibcood
Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Cagaaran
- 4X.21 dhibcood
Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Dheer
- 4X.31 dhibcood
Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Gaaban
- 4X.41 dhibcood
Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Jilicsan
- 4X.51 dhibcood
Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Weyn
- 4C.11.8 dhibcood
Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda: Hor
- 4C.21.8 dhibcood
Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda: Dhinac
- 4C.31.8 dhibcood
Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda: Ag
- 4C.41.8 dhibcood
Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda: Korkiisa
Qaybta 5-aad: Curis (20-dhibcood)
Ka dooro mawduucyadan mid ka mid ah, kana qor ugu yaraan curis ka kooban (100).
- 5.120 dhibcood
Ka dooro mawduucyadan mid ka mid ah, kana qor ugu yaraan curis ka kooban (100). 1. Faa'iidada biyaha 2. Asluubta hadalka
Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.
Imtixaanada kale ee hore ee Form 4 Af-Soomaali
- Imtixaanka qaranka 2024/202541 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo
- Imtixaanka qaranka 202444 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo
- Imtixaanka qaranka 202240 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo
- Imtixaanka qaranka 202133 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo
- Imtixaanka qaranka 202043 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo




