Sheerxirfad
Imtixaan hore

Form 4 Af-Soomaali imtixaanka qaranka 2021 iyo jawaabihiisa

Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2021 ee Form 4 Af-Soomaali, su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.

  • 33 su'aalood, 100 dhibcood
  • 120 daqiiqo

Gal imtixaankan

120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.

Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.

Tilmaamaha ardayga

Fadlan jawaabaha ku qor buugga jawaabaha. Waqti: 2 saacadood.

QEYBTA 1AAD Goobo-geli (20 dhibcood)

Akhri qoraalka Xaaji Aadan Axmed Xasan kadibna ka jawaab su'aalaha.

  1. 1

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Xaaji Aadan waxa uu dhashay

    • A.1871
    • B.1879
    • C.1917
    • D.1877
    2 dhibcood
  2. 2

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Xaaji Aadan waxa uu ka dhashay qoys ah

    • A.kaluumaysato
    • B.Maguurto
    • C.Reerguuraa
    • D.Reermagaal
    2 dhibcood
  3. 3

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Xaaji Aadan waxa uu ahaa ilmihii kowbaad dhanka

    • A.Aabaha
    • B.Abtiga
    • C.Edada
    • D.Hooyada
    2 dhibcood
  4. 4

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Abwaan Xaaji Aadan waxaa lagu yaqaanay laynta

    • A.Bicidka iyo sagaarada
    • B.Waraabaha iyo dawacada
    • C.shabeelka iyo libaaxa
    • D.Maroodiga iyo goodirka
    2 dhibcood
  5. 5

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Xaaji Aadan xilligii uu carruurta ahaa ma jeclayn in uu

    • A.guriga joogo
    • B.xoolaha raaco
    • C.ciyaaro
    • D.safro
    2 dhibcood
  6. 6

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Abwaanku intii uu yaraa waxaa soo maray

    • A.Farxado badan
    • B.Ciyaaro badan
    • C.Dhibaatooyin badan
    • D.Dhagar badan
    2 dhibcood
  7. 7

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Xaaji Aadan isaga oo afar jir ah waxa qaatey

    • A.Waraabe
    • B.Shabeel
    • C.Libaax
    • D.Yixaas
    2 dhibcood
  8. 8

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Xaaji Aadan waxa helay oo caano siiyay

    • A.Wiil geel la jooga
    • B.Gabadh adhi la jogta
    • C.Odey lo' la jooga
    • D.Hooyo waxaro la jogta
    2 dhibcood
  9. 9

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Xaaji Aadan aabihii waxa uu ahaa

    • A.Afgarooc
    • B.Suldaan
    • C.Afmaal
    • D.hadal-mirgo
    2 dhibcood
  10. 10

    Akhri qoraalka "Xaaji Aadan Axmed Xasan (Xaaji Aadan Afqalooc)" kadibna ka jawaab: Xaaji Aadan hooyadii waxa la odhan jirey

    • A.Dahabo Dhuunkaal
    • B.Cawo Magan
    • C.Shaqlan Warfa
    • D.Doobiro Geelle
    2 dhibcood

QEYBTA 2AAD Suugaan (35 dhibcood)

Dhameystir murtidan (10); Ka jawaab waydiimahan (10); U kala saar murti iyo maahmaah (15).

  1. 2A1

    Dhameystir murtidan: Gacmo wadajir bay _____

    2 dhibcood
  2. 2A2

    Dhameystir murtidan: Geed waa madal _____ waa marag

    2 dhibcood
  3. 2A3

    Dhameystir murtidan: Geed weyn _____ yar baa goysa

    2 dhibcood
  4. 2A4

    Dhameystir murtidan: Kur/kor waayeel waa _____

    2 dhibcood
  5. 2A5

    Dhameystir murtidan: Ludaay is moodmoodeysa _____ ka xiriirtaa

    2 dhibcood
  6. 2B1

    Ka jawaab waydiimahan: Sheeg Abwaanka allifey riwaayadda Shabeel Naagood?

    5 dhibcood
  7. 2B2

    Ka jawaab waydiimahan: Heesta Dhaqan waxa uu Abwaan Xasan Ganey ku sheegay magacyo roobku leeyahay, sheeg saddex ka mid ah magacyadaas?

    5 dhibcood
  8. 2C1

    U kala saar murti iyo maahmaah: Xidid wada yaal waa xil wada yaal

    3 dhibcood
  9. 2C2

    U kala saar murti iyo maahmaah: Barasho horteed ha i nicin

    3 dhibcood
  10. 2C3

    U kala saar murti iyo maahmaah: Xidid xeradii way isku furantahay

    3 dhibcood
  11. 2C4

    U kala saar murti iyo maahmaah: Ciirtaada dhammaa ceebtaada yaqaan

    3 dhibcood
  12. 2C5

    U kala saar murti iyo maahmaah: Deriskaagu waa ilaalo aan laguu diran

    3 dhibcood

QEYBTA 3AAD Naxwe (25 dhibcood)

Ka soo saar magaca gaarka ah ee ku jira weedhahan (15); Keen ereyadan erey la macne ah (10).

  1. 3A1

    Ka soo saar magaca gaarka ah ee ku jira weedhahan: Ardayda akhriska ku wanaagsan waxaa ka mid ah Hodan

    3 dhibcood
  2. 3A2

    Ka soo saar magaca gaarka ah ee ku jira weedhahan: Muqdisho waa magaalo-madaxda Soomaaliya

    3 dhibcood
  3. 3A3

    Ka soo saar magaca gaarka ah ee ku jira weedhahan: Aadan Cade waa madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka

    3 dhibcood
  4. 3A4

    Ka soo saar magaca gaarka ah ee ku jira weedhahan: Maxkamaddu way xidhan tahay

    3 dhibcood
  5. 3A5

    Ka soo saar magaca gaarka ah ee ku jira weedhahan: Axmed waa macalin wanaagsan

    3 dhibcood
  6. 3B1

    Keen ereyadan erey la macne ah: Qaansa roobaad

    2 dhibcood
  7. 3B2

    Keen ereyadan erey la macne ah: Tabantaabo

    2 dhibcood
  8. 3B3

    Keen ereyadan erey la macne ah: Milgo

    2 dhibcood
  9. 3B4

    Keen ereyadan erey la macne ah: Tukulush

    2 dhibcood
  10. 3B5

    Keen ereyadan erey la macne ah: Dhabbo

    2 dhibcood

QEYBTA 4AAD Curis (20 dhibcood)

Ka qor mawduucyadan mid ka mid ah curis gaadhaya ugu yaraan 500 oo erey.

  1. 4A

    CURIS: Fac'iidada nabada (20 dhibcood). Qoraalka 10 dhibcood, Erey bixinta 5 dhibcood, Astaamaha 5 dhibcood. Ka qor mawduucyadan mid ka mid ah curis gaadhaya ugu yaraan 500 oo erey lehna dhammaan astaamaha qoraalka: 1. Xuquuqda waalidka 2. Barbaarinta carruurta

    20 dhibcood

Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.

Imtixaanada kale ee hore ee Form 4 Af-Soomaali

Dhammaan cutubyada Form 4 Af-Soomaali
Sheerxirfad

Barta ugu horreysa ee waxbarashada online-ka ah ee Soomaaliya. Ku baro ACCA, xisaabtanka, ganacsiga iyo teknoolajiyada Af-Soomaali iyo English telefoon kasta, oo hel shahaado la xaqiijiyay.

Waxaan aqbalnaa

Payment method 1
Payment method 2
Payment method 3
Payment method 4

© Copyright 2026 Sheerxirfad, Dhammaan xuquuqda waa la dhowray. Waxaa farsameeyay Ilays Solutions