Form 4 Af-Soomaali imtixaanka qaranka 2020 iyo jawaabihiisa
Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2020 ee Form 4 Af-Soomaali, su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.
- 43 su'aalood, 100 dhibcood
- 120 daqiiqo
Gal imtixaankan
120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.
Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.
Tilmaamaha ardayga
Ku qor dhammaan jawaabaha buugga jawaabaha. U qor si muuqata, kuna qor qalin leh qad buluug ah. Iskuday in aad ka jawaabto dhammaan su'aalaha imtixaanka.
QAYBTA B: Goobo-gelin (10) Dhibcood
Akhri qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)". Dooro jawaabta saxda ah, kuna qor buugga jawaabaha.
- B11 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Cumar Binu khadaab waxa uu ku dhashay
- A.Kuufa
- B.Makka Al-mukaramah
- C.Basra
- D.Baytal Maqdis
- B21 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Cumar waxa uu dhulal badan ka xoreeyay.
- A.Roomankii
- B.Masaaridii
- C.Faarisiyiintii
- D.Suuriyiintii
- B31 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Cumar waxa uu ahaa:
- A.Khaliifkii 1aad ee Islaamka
- B.Khaliifkii 2aad ee Islaamka
- C.Khaliifkii 3aad ee Islaamka
- D.Khaliifkii 4aad ee Islaamka
- B41 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Cumar habeenkii ayuu ku wareegi jiray magaalada si
- A.uu u ogaado in dadku cibaadeysanayan
- B.uu u ogaado dhulka la xoreeyey
- C.uu wax uu uga ogaado dhibaatooyinka haysta dadwaynaha
- D.uu ugu toosiyo dadka salaadda subax
- B51 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Isaga oo gaaf wareegaya habeen ayaa waxa uu maqlay qof:
- A.ka cabanaysa maamulkiisa,
- B.odhanaya aniga iyo abuu bakar waxa noo dhaxeeya Cumar,
- C.odhanaya Cumar iyo Ilaahay waxa u dhaxeeya Ballan,
- D.odhanaya Aniga iyo Cumar waxa noo dhaxeeya aragti.
- B61 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Cumar waxa uu haweenaydii waydiiyay
- A.waxa ay albaabka u furtay,
- B.xaalka carruurta,
- C.sheegashadeeda,
- D.waxa ay sameynaysay,
- B71 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Habeen habeennada ka mid ah ayuu Cumar waydiiyay haweenay kale
- A.Waxa ay karinaysay
- B.Sababta ay dhariga u walaaqaysay,
- C.Nooca dheriga dabka u saarnaa,
- D.Waxa gacanta ugu jiray.
- B81 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Cumar waxa uu soo qaaday bur iyo saliid, kadibna:
- A.Qureec ayuu uga sameeyay
- B.Qado ayuu uga sameeyay
- C.Casho ayuu uga sameeyay
- D.Shaah ayuu uga sameeyay
- B91 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Magaalooyinkii la xoreeyay waxaa ka mid ahaa:
- A.Bayruut
- B.Al Madaa'in
- C.Baqdaad
- D.Istanbuul
- B101 dhibcood
Qoraalka "Hab-dhaqankii Cumar Binu-khadaab (Rc)": Cumar Binu Khadaab waxa la dhaawacay isaga oo
- A.Kacbada u socda
- B.Habeenimo gaafweegaya
- C.Jihaad ku jira
- D.Cibaado ku jira
QAYBTA T: NAXWE (20) Dhibcood
- T12 dhibcood
Ka soo saar falka ku jira weedhan: Cali dugsiga ayuu aaday
- T22 dhibcood
Ka soo saar falka ku jira weedhan: Aqri cashirka laguu dhigay
- T32 dhibcood
Ka soo saar falka ku jira weedhan: Axmed maanta ayuu imaanaya
- T42 dhibcood
Ka soo saar falka ku jira weedhan: Faaduumo cashirkii ayay diyaarinaysaa
- T51 dhibcood
Geli meesha ay ku haboon yihiin meeleeye yaashan: ka, soo, la, ku. Cali waxa uu _____ tagay furihi guriga.
- T61 dhibcood
Geli meesha ay ku haboon yihiin meeleeye yaashan: ka, soo, la, ku. Aabe waa uu _____ socdaa.
- T71 dhibcood
Geli meesha ay ku haboon yihiin meeleeye yaashan: ka, soo, la, ku. Faadumo waxa ay _____ socotay walaalkeed
- T81 dhibcood
Geli meesha ay ku haboon yihiin meeleeye yaashan: ka, soo, la, ku. Wiilku waxa uu _____ raacay wiil kale.
- T94 dhibcood
Qor afar ka mid ah qaybaha naxwaha afka Soomaaliga?
- T104 dhibcood
Qor farqiga u dhexeeya fal iyo falkaab, mid kastana ka bixi tusaale hoosta ka xariiqan.
QAYBTA J: Murti iyo Maahmaah (25) dhibcood
- 112 dhibcood
U kala saar weedhan murti ama maahmaah: Ballan waa dayn
- 122 dhibcood
U kala saar weedhan murti ama maahmaah: Xumbo iyo xiisaba way dhacaan
- 132 dhibcood
U kala saar weedhan murti ama maahmaah: Nin habaaran ma hadhsado
- 142 dhibcood
U kala saar weedhan murti ama maahmaah: Af wax cunay xishoo
- 152 dhibcood
U kala saar weedhan murti ama maahmaah: Tacbadaa ma tuugsado
- 161 dhibcood
Dhammeystir maahmaahdan: Nin _____ marti soora
- 171 dhibcood
Dhammeystir maahmaahdan: _____ hal dhan baa la _____
- 181 dhibcood
Dhammeystir maahmaahdan: Aan _____ waa aan heshiino
- 191 dhibcood
Dhammeystir maahmaahdan: _____ waa wada indho
- 201 dhibcood
Dhammeystir maahmaahdan: Iimaan Allaa _____
QAYBTA X: Erayo iyo macnahooda (15) Dhibcood
- X252 dhibcood
Sharax macnaha ereygan: Suugaan
- X262 dhibcood
Sharax macnaha ereygan: Masafo
- X272 dhibcood
Sharax macnaha ereygan: Xawda kuu jaray
- X282 dhibcood
Sharax macnaha ereygan: Shilin
- X292 dhibcood
Sharax macnaha ereygan: Soof
- 301 dhibcood
Isla doono ereyga isku macnaha ah: Dhalandhool
- A.Saqdhexe
- B.Jermaado
- C.Meel aadid
- D.Guureyn
- E.Dharaar socod
- 311 dhibcood
Isla doono ereyga isku macnaha ah: Gudid
- A.Saqdhexe
- B.Jermaado
- C.Meel aadid
- D.Guureyn
- E.Dharaar socod
- 321 dhibcood
Isla doono ereyga isku macnaha ah: Kallahaad
- A.Saqdhexe
- B.Jermaado
- C.Meel aadid
- D.Guureyn
- E.Dharaar socod
- 331 dhibcood
Isla doono ereyga isku macnaha ah: Socdaal
- A.Saqdhexe
- B.Jermaado
- C.Meel aadid
- D.Guureyn
- E.Dharaar socod
- 341 dhibcood
Isla doono ereyga isku macnaha ah: Caweysin
- A.Saqdhexe
- B.Jermaado
- C.Meel aadid
- D.Guureyn
- E.Dharaar socod
QAYBTA KH: CURIS (30) dhibcood
Ka dooro mid ka mid ah saddexda mawduuc ee hoos ku qoran, kana qor curis gaadhaya ugu yaraan 300 oo eray.
- KH3530 dhibcood
Ka dooro mid ka mid ah saddexda mawduuc, kana qor curis gaadhaya ugu yaraan 300 oo eray. Mawduuca 1: Qiimaha waxbarashaduu leedahay bulshada.
- KH3630 dhibcood
Ka dooro mid ka mid ah saddexda mawduuc, kana qor curis gaadhaya ugu yaraan 300 oo eray. Mawduuca 2: Baarrinimada ilmaha ee waalidka.
- KH3730 dhibcood
Ka dooro mid ka mid ah saddexda mawduuc, kana qor curis gaadhaya ugu yaraan 300 oo eray. Mawduuca 3: Xuquuqda dariska ee diinta Islaamka.
Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.
Imtixaanada kale ee hore ee Form 4 Af-Soomaali
- Imtixaanka qaranka 2024/202541 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo
- Imtixaanka qaranka 202444 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo
- Imtixaanka qaranka 202240 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo
- Imtixaanka qaranka 202133 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo
- Imtixaanka qaranka 201847 su'aalood, 100 dhibcood, 120 daqiiqo




