
BARASHADA LUUQADA SAWAXILIGA

Luuqada sawaxiliga barashadeeda waa mid aad ufudud marka loo eego luuqadaha kel ee la Barto.
Kaliya waxyaabaha lagaaga baahanyahay intaad waddo safarkaaga wax barasho aya ah,
NIYAD & HAMI - Niyadu waa meesha kaliya ee kuu horseedo inaad qabatida waxyaalaha adiga kuu qaaska ah iyo kuwa bulsahaba. Sidaas daraadeed waa kugu waajib inaad NIYADA ku meeleys barashada aad wadid.
DADAAL - Dadaalka wuxu go'aamiya ka dhabeynta. Wax walbo oo lagu dadaalo waad keeni karta. Falsafada ayaa waxay leedahay " cilmigii aad mudda 15-daqiiqo maalinti gilisaa waxaad kunoqoneysa Caalim mudda Hal sana ah" kawaran hadii aad maalinti 30-daqiiqo gilisid?
JOOGTAYN - Tani waxay kaa caawineysa inaad jadwalkaaga maalmeed aad si wacan udajiso. Hadaba hamoogaan sababta. HADABA sii wad NATIIJADA way dhowdahaye.
LUUQADA SAWAXILIGA AYA HADDA NOQOTAY ASTAAN AY WADAMA BADAN ISKU FAHMAAN. In kabadan 20tan WADAN ba ku hadasho ee kamid Ah wadamada QAARADA AFRICA.
SOOMALIYA πΈπ΄ AYAA Haatana kubiirtay wadamada bariga AFRICA oo dooneysa in ay wax laqeybsata si'ay AAYAHEED & MUSTAQBLKEEDA DIBLOOMAASIYADEED wax ugu bedesho.
Kamid Noqo malaayiinta shaqsi oo kuhadlo Luuqada SAWAXILIGA.
CAQABADO
Dhalinteena waxay in badan kudhibanyihiin in ay fahmaan dadka kasoo jeeda,
Kenya π°πͺ
Uganda πΊπ¬
Tanzania πΉπΏ
Congo π¨π©
Mozambique π²πΏ
Malawi π²πΌ
Kuwaano ah goobaha inooga badan ee aan ganacsiya kala duwan kuleenahay.
Haddaba si'aynu xal ugaarno halkaan baan ku soo koobnay koorasyo fudud oo aan ugu tala galnay in aan dadkeena ugu sahalno luuqada SAWAXILIGA.
ISMAAN DHAAFKA KABAX OO HADDA KADDIB ISAGA MAARAN TURJUMAA OO ADIGA CADKAAGA GOOSO.
ABDIJABAR NOOR,
Baraa, luuqada sawaxiliga.
0 Comment
Post A Comment
No comments yet. Be the first to comment!




