Abdibasid Nur
About Abdibasid Nur
Abdibasid Hassan Nur waa khabiir ku takhasusay Xisaabaadka iyo Maaliyadda, kana mid ah xirfadlayaasha firfircoon ee ka shaqeeya horumarinta nidaamyada maaliyadeed iyo maamulka ganacsiga. Wuxuu haystaa Master of Business Administration (MBA) oo uu ka qaatay International University of East Africa (IUEA), isagoo ku takhasusay Accounting and Finance.
Abdibasid waxa kale oo uu shahaadada Bachelor of Business Administration (BBA) ka qaatay Jaamacadda Soomaaliya, taas oo siisay saldhig adag oo ku saabsan maamulka ganacsiga, xisaabaadka, iyo qorshaynta maaliyadeed.
Hadda, Abdibasid Hassan Nur waxa uu ka shaqeeyaa Chief Financial Officer (CFO) ee Mareg General Trading Co. Ltd, halkaas oo uu masuul ka yahay qorshaynta istaraatiijiyadeed ee maaliyadda, maaraynta kharashaadka iyo dakhliga, diyaarinta warbixinno maaliyadeed, iyo hubinta hufnaanta nidaamka xisaabaadka shirkadda.
Abdibasid waxa lagu yaqaan xirfad sare, daacadnimo shaqo, iyo awood uu ugu beddelo aragti maaliyadeed natiijooyin la taaban karo oo kor u qaada waxqabadka iyo kobaca shirkadaha uu la shaqeeyo.




