Sheerxirfad
Past paper

Form 4 Geography (Juqraafi) national exam 2024/2025 with answers

The 2024/2025 Form 4 national exam paper for Form 4 Geography (Juqraafi), question by question. Take it timed like the real exam, then see the answer and explanation to every question.

  • 55 questions, 100 marks
  • 120 minutes

Take this paper

120 minutes, 100 marks. Multiple choice is marked for you; you mark your written answers against the marking points.

A free account is needed to start, so your answers and results are saved.

Instructions to candidates

Ka jawaab dhammaan su'aalaha. Ku qor jawaabaha warqadda imtixaanka gudaheeda. Waqtigu waa laba saacadood.

B. Goobo geli jawaabta saxda ah (40 Dhibcood)

  1. 1

    Noocyada carrada ee dhulka Soomaaliya waa kala jaad, waxaana keenaayo kala duwanaanta:

    • A.Nooca cimilada iyo dhadhaabta
    • B.Nooca cimilada iyo folkaanaha
    • C.Nooca dhadhaabta keliya
    • D.Nooca cimilada keliya
    1 mark
  2. 2

    Qayta ugu weyn uguna muhiimsan qaybaha dhirta waxaa lagu magacaabaa:

    • A.Keymaha
    • B.Cawska
    • C.Haramaha
    • D.Istibsi
    1 mark
  3. 3

    Maxey yihiin hababka wadiiqada Makaanikada ay kaga duwantahay wadiiqada kiimikada?

    • A.Teed dhireed iyo teedad adag
    • B.Teedad gaaban iyo teed dhireed
    • C.Teedad adag iyo walxaha shidaalka
    • D.Walxaha shidaalka iyo teed dhireed
    1 mark
  4. 4

    Adigoo adeegsanaya jaantuska hoose, tilmaan lambarka muujinaya gobolka Jubbada hoose:

    Figure from the exam paper
    • A.lambarka 12aad
    • B.lambarka 8aad
    • C.lambarka 18aad
    • D.lambarka 17aad
    1 mark
  5. 5

    Marka aynu joogno magaalooyinka xeebaha, sida la dareemi karo huurku wuxuu nodqaa mid:

    • A.Kordha
    • B.Hoos u dhaca
    • C.Dhexdhexaad ah
    • D.Aan muuqan
    1 mark
  6. 6

    Jiidaha dulaha dhulka Soomaaliya waxaa loo qeybiyaa ilaa iyo:

    • A.4 qeybood
    • B.3 qeybood
    • C.5 qeybood
    • D.6 qeybood
    1 mark
  7. 7

    Maxaa dhacaya haddii tirada dadka ay ka sara marto ilaha dhaqaale ee dabiiciga ah?

    • A.Taran dhimid
    • B.Taran furan
    • C.Taran dhaqid
    • D.Taran fatah
    1 mark
  8. 8

    Xaalad ka dhalatay hoos u dhac ku yimid roobka muddo dheer waxaa loo yaqaan:

    • A.Lama degaan
    • B.Daad
    • C.Barwaaqo
    • D.Abaar
    1 mark
  9. 9

    Waxyaabaha dabiiciga ah ee saameeya baahsanaanta tirada dadka waxaa kamid ah:

    • A.Cimilada
    • B.Xirfadda
    • C.Dhimashada
    • D.Socdaalka
    1 mark
  10. 10

    Goob cufnaanta dadkeedu uu ka sarreeyo 100 qof halkii kiilomitir ee laba jibbaaran waa goob cufnaan dadku ay:

    • A.Sarreyso
    • B.Hooseyso
    • C.Aad u sarreyso
    • D.Aad u hooseyso
    1 mark
  11. 11

    Sanadkii 1970, guud ahaan tirada warshadaha dalka ku yaalay waxa ay gaarayeen:

    • A.190 warshadood
    • B.180 warshadood
    • C.120 warshadood
    • D.122 warshadood
    1 mark
  12. 12

    Marka laysku qeeybiyo tirada dadka iyo baaxadda dalka maxaa loo yaqaanaa:

    • A.Koror dabiici ah
    • B.Koror aan dabiici aheyn
    • C.Cufnaanta dadka
    • D.Kororka wadamada
    1 mark
  13. 13

    Adiga oo eegaya jaantuska hoos kaaga muuqda, sheeg ilo tamareedka loo adeegsado:

    Figure from the exam paper
    • A.Tamarta dabaysha
    • B.Tamartata biyaha
    • C.Tamarta korontada
    • D.tamarta qorraxda
    1 mark
  14. 14

    Goobaha ugu warshadaha badan Aduunka waxaa ka mid ah:

    • A.Galbeedka Afrika
    • B.Galbeedka Yurub
    • C.koonfurta Ameerika
    • D.waqooyiga Aasiya
    1 mark
  15. 15

    Waa tee laanta jiyooloji ee uu adeegsanaayo haddii Injireer loo xilsaaro dhisida buundo:

    • A.jiyoolojiga bay'ada
    • B.jiyoolojiga handasada
    • C.jiyoolojiga waxbarashada
    • D.jiyoolojiga saliidda iyo dhaqaalaha
    1 mark
  16. 16

    Dadka dunida ku nool dhulka dushiisa waxay ugu filiqsan yihiin qaab:

    • A.Isla'eg
    • B.Aan isla ekeyn
    • C.Toosan
    • D.Dheelitiran
    1 mark
  17. 17

    Diwaangelinta tirada carruurta dhalaneysa, tirada carruurta dhimaneysa iyo xaaladaha guurka iyo furriinka waa:

    • A.Tirikoobka dadka
    • B.Tirikoob muhiim ah
    • C.Filiqsanaanta dadka
    • D.Diiwaan gelinta dadka
    1 mark
  18. 18

    Ilaha tamarta ee dib loo cusboonaysiin karo waa nooc tamar oo aan dhammaaneyn waxaana kamid ah:

    • A.Tamarta Cadceedda
    • B.tamarta dhuxusha
    • C.tamarta Yuraaniyaamka
    • D.tamarta Gaaska dabiiciga ah
    1 mark
  19. 19

    Sohdin dabiici ah waa xaduud ama sohdin lagu saleynaayo astaynteeda muuqaallo dabiici ah sida:

    • A.Buuro
    • B.Xariiq
    • C.Handasi
    • D.Ilbaxnimo
    1 mark
  20. 20

    Kuwaan soo socda keeban ka mid aheyn shaqooyinka sohdin siyaasadeed?

    • A.Kala saaridda dalalka
    • B.Ilaalinta amniga
    • C.Ilaalinta dhaqaalaha
    • D.maamulka xadka
    1 mark
  21. 21

    Haddii aad rabto inaad beerato dalag, carro noocee ah ayaad adeegsaneysaa:

    • A.Carro hurdiga
    • B.Carro maanyo
    • C.Carro bannaan xeebeed
    • D.Carro madow
    1 mark
  22. 22

    Waa immisa loolalka ay dhacaan gobollada Kulul, haddii wadarta loolalka ay tahay 180°?

    • A.30 digrii
    • B.60 digrii
    • C.45 digrii
    • D.23 digrii
    1 mark
  23. 23

    Maxey noqonayaan wadarta warshadaha ku yaalay Muqdisho iyo Hargeysa(31 warshadood)?

    • A.154 warshadood
    • B.153 warshadood
    • C.155 warshadood
    • D.157 warshadood
    1 mark
  24. 24

    Maxaad ku magacaabi laheyd haddaad soo booqato magaalo dadku badanaa ku mashquulsanyihiin waxbarasho:

    • A.Magaalo diimeed
    • B.Magaalo warshadeed
    • C.Magaalo aqooneed
    • D.Magaalo maamul
    1 mark
  25. 25

    In lasoo aruuriyo xogo iyo macluumaad la xariira juqraafiga, iyadoo loo maraayo hab indha indheyn ah, waa:

    • A.Cilmi qoran
    • B.Xog kaydsan
    • C.Cilmi baaris
    • D.Xog tilmaaman
    1 mark
  26. 26

    Hanaan diyaarinta xogta Juqraafigu waxa ay martaa ilaa iyo

    • A.lix heer
    • B.shan heer
    • C.toddobo heer
    • D.sagaal heer
    1 mark
  27. 27

    Tilmaaha ay badda furani kaga duwan tahay badda xiran waxaa kamid ah:

    • A.Waxey la xariirtaa badweyn
    • B.Waxey leedahay marin cariiri ah
    • C.waxey leedahay dooxo
    • D.waxey leedahay haro
    1 mark
  28. 28

    Farqiga maalinlaha iyo sanadlaha ee gobolka Cimilada badhaalaha waxaa lagu yaqaan:

    • A.Hooseyn
    • B.Sarreyn
    • C.dhexdhexaad
    • D.diirimaad
    1 mark
  29. 29

    Marka uu noole weeraro noole kale, si uu noloshiisa ugu maareeyo waxaa loo yaqaan:

    • A.Isla noolaansho
    • B.Ugaadhsi
    • C.Wada noolaansho
    • D.Kala faaidaysi
    1 mark
  30. 30

    Adigoo eegaya khariidada hoose, waa kee lambarka lagu calaamadeeyey dalka Masar:

    Figure from the exam paper
    • A.Lambarka 50aad
    • B.Lambarka 48aad
    • C.Lambarka 41aad
    • D.Lambarka 51aad
    1 mark
  31. 31

    Maxaa dhacaya haddii dadkii aqoonta lahaa ay ka socdaalaan dalka?

    • A.Maan qulqul
    • B.Maan cabburin
    • C.Maan fatah
    • D.Maan go'id
    1 mark
  32. 32

    Astaamaha degmooyinka miyiga ah ay kaga duwan yihiin kuwa magaalada waa:

    • A.Xajmigooda oo yar
    • B.Xariirkooda oo liita
    • C.Heerka nolosha oo sarreeya
    • D.Kalama dhaxlaan dhaqamo
    1 mark
  33. 33

    Meeraha Masaafo ahaan ugu dhaw qorraxda kana tirsan baho cadceedeedka waa:

    • A.Maaris
    • B.dhulka
    • C.meerkuri
    • D.Sateen
    1 mark
  34. 34

    Haddii ay amminta magaalada Muqdisho ee dhacda 45° bariga giriinwij tahay 10:00AM soo saar amminta magaalada Qaahira oo dhacda 30° bariga giriinwij?

    • A.11:00AM
    • B.09:00AM
    • C.10:30AM
    • D.12:00AM
    1 mark
  35. 35

    Kuwaan soo socda keebaan kamid aheyn calaamadaha khariidada leedahay?

    • A.Qiyaaska khariidada
    • B.tusmada khariidada
    • C.cinwaanka kahriidada
    • D.dug baxa khariidada
    1 mark
  36. 36

    Wadamadan soo socda midkee baa ah wadanka ugu waxsoo saarka badan xagga gaaska dabiiciga ah?

    • A.Baxreyn
    • B.Imaaraadka
    • C.Qadar
    • D.Aljeeriya
    1 mark
  37. 37

    Dalkii ugu horreeyey ee billaabay sahminta juqraafiga waxa uu ahaa dalka:

    • A.Bortaqiiska
    • B.Ingiriiska
    • C.Talyaaniga
    • D.Isbeyn
    1 mark
  38. 38

    Marka aad eegto sawirka hoose, waa tee nooca folkaano ee uu muujinaayo:

    Figure from the exam paper
    • A.Folkaano firfircoon
    • B.Folkaano meyd ah
    • C.Folkaano huruda
    • D.Folkaano muuqata
    1 mark
  39. 39

    Khariidada tilmaameysa meelaha kheyraadka beeraha, warshadaha iyo ganacsiga, waa khariidada:

    • A.Siyaadsadda
    • B.Dhaqaalaha
    • C.Cimilada
    • D.Isgaarsiinta
    1 mark
  40. 40

    Dalka Soomaaliya waxaa ku nool dad gaaraya 18,000,000 qof, baaxadiisuna waxa ay la eg tahay 637,657 km laba jibbaaran.Haddaba, soo saar cufnaanta tirada dadkiisa:

    • A.30 qof/km2
    • B.28 qof/km2
    • C.12 qof/km2
    • D.16 qof/km2
    1 mark

QAYBTA 2AAD EE IMTIXAANKA: T. Ka jawaab Su'aalahaan (60 Dhibcood)

  1. B1

    Falanqee kaalinta culimada Muslimiinta ay ku lahaayeen Cilmiga Jiyoolojiga

    4 marks
  2. B2

    Kala saar gobollada dabiiciga ah ee dunida

    4 marks
  3. B3

    Falanqee qaababka wasakhowga hawada.

    4 marks
  4. B4

    Qor xal ku habboon sida looga hortagi karo daadadka.

    4 marks
  5. B5

    Falanqee ahmiyadda istiraajiiyadeed ee dhulka Soomaaliyeed.

    4 marks
  6. B6

    Falanqee sida ay dadka soomaaliyeed ugu kala baahsanyihiin dalka soomaaliyeed

    4 marks
  7. B7

    Sharrax kooban ka bixi noocyada gaadiidka dhulka

    4 marks
  8. B8

    Tax ilaha daraaseynta bulshooyinka

    4 marks
  9. B9

    Qor caqabadaha haysta xoolo dhaqashada Soomaaliya

    4 marks
  10. B10

    Kala sooc noocyada xoolo dhaqashada dunida

    4 marks
  11. B11

    Maxay ku kala duwanyihiin dawladaha badda leh iyo kuwa aan badda laheyn

    3 marks
  12. B12

    Maxay kula tahay in ay dhacayaan haddii uu kordho kululaanshaha dunida?

    4 marks
  13. B13

    Isbarbardhig waxa ay ku kala duwan yihiin Cimilo iyo Cimilogooreed?

    4 marks
  14. B14

    Qor xal ku habboon saameynta xun ee warshaduhu ku leeyihiin deegaanka

    4 marks
  15. B15

    Adigoo eegaya khariidada hoose, ku muuji wadamada soo socda

    I. Kiinya
    II. Jabuuti
    III. Itoobiya
    Figure from the exam paper
    5 marks

Paper set by the Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Shared free of charge to help students prepare. The answers and explanations are written by Sheerxirfad teachers.

Other Form 4 Geography (Juqraafi) past papers

All units of Form 4 Geography (Juqraafi)
Sheerxirfad

Somalia's leading online learning platform. Study ACCA, accounting, business and technology in Somali and English on any phone, and earn a verified certificate.

We Accept

Payment method 1
Payment method 2
Payment method 3
Payment method 4

© Copyright 2026 Sheerxirfad, All rights reserved. Powered by Ilays Solutions