Sheerxirfad
Past paper

Form 4 Geography (Juqraafi) national exam 2024 with answers

The 2024 Form 4 national exam paper for Form 4 Geography (Juqraafi), question by question. Take it timed like the real exam, then see the answer and explanation to every question.

  • 46 questions, 100 marks
  • 120 minutes

Take this paper

120 minutes, 100 marks. Multiple choice is marked for you; you mark your written answers against the marking points.

A free account is needed to start, so your answers and results are saved.

Instructions to candidates

Fadlan jawaabaha ku qor buugga jawaabaha.

Qeybta 1aad: Goobo gali Xarfaha Jawaabta Saxda ah (20 Dhibcood).

  1. 1

    Cilmiga daraaseeya carrada iyo biyaha waa juqraafiga:

    • A.Handasada.
    • B.Warshadaha
    • C.Dhaqaalaha.
    • D.Deeganka.
    2 marks
  2. 2

    Soomaaliya waxay dhacdaa:

    • A.Galbeedka qaaradda Afrika.
    • B.Bariga qaaradda Afrika.
    • C.Waqooyiga qaaradda Afrika.
    • D.Bartamaha qaaradda Afrika.
    2 marks
  3. 3

    Nooca carro ee ugu habboon wax soo saarka beerashada waa:

    • A.Carro hurdiga.
    • B.Carro gaduud.
    • C.Carro madow.
    • D.Carra maanyo.
    2 marks
  4. 4

    Heerka kowaad ee qorsheynta sohdinta Siyaasadeed waa:

    • A.Tilmaamidda sohdinta.
    • B.Qeexidda sohdinta.
    • C.Maamulka sohdinta.
    • D.Xadeynta sohdinta.
    2 marks
  5. 5

    Ilaha Tamarta aan la cusboonaysiin karin waxaa kamid ah:

    • A.Tamarta dabeysha
    • B.Tamarta nukliyeerka.
    • C.Tamarta Cadceeda
    • D.Tamarta Biyaha.
    2 marks
  6. 6

    Sannadkii 1970, waxaa magaalada Muqdisho ka jiray ku dhawaad:

    • A.110 warshadood.
    • B.115 warshadood.
    • C.22 warshadood.
    • D.140 warshadood.
    2 marks
  7. 7

    Halka ay ka samaysanto duufaanta Sunaamiga waa:

    • A.Bannaanada.
    • B.Buuraha.
    • C.Dulaha.
    • D.Badaha.
    2 marks
  8. 8

    Jiid waa.

    • A.Xarriiq u dhaxeeya dalalka.
    • B.Mallahan muuqaal dabiici ah
    • C.Goob Juqraafi oo leh dheerar iyo ballac.
    • D.Xarriiq qaanuun salka ku haya.
    2 marks
  9. 9

    Xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya waa:

    • A.Dabeeci.
    • B.Ilbaxnomo.
    • C.Handasi.
    • D.Lamadagaan.
    2 marks
  10. 10

    Bedka dhuleed ee dhulkii Koonfurta fog ee Soomaaliyeed ee Ingiriisku ku wareejiyey Kenya waxa uu ahaa:

    • A.1590km
    • B.128,000km2
    • C.188,000km2
    • D.135,000km2
    2 marks

Qeybta 2aad: ku beeg weedha qeybta (B) Midda ku haboon ee qeybta (T): (5 dhibcood)

  1. M1

    Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Sool. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.

    1 mark
  2. M2

    Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Hiiraan. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.

    1 mark
  3. M3

    Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Bakool. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.

    1 mark
  4. M4

    Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Galguduud. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.

    1 mark
  5. M5

    Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Sanaag. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.

    1 mark

Qeybta 3aad: Ka jawaab Su,aalaha soo socda: ( 75 dhibcood).

  1. 3.1

    Sheeg waxa loola jeedo jiyoolajiga waxbarshada. (2 dhibcood)

    2 marks
  2. 3.2

    Sharaxaad kabixi Noocyadda carrada Soomaaliya. (2 dhibcood)

    2 marks
  3. 3.3

    Sheeg tiiraraka Warshadaha. (2 dhibcood)

    2 marks
  4. 3.4

    Tilmaan meelaha ugu muhiimsan ee warshadaha dunida. (2 dhibcood)

    2 marks
  5. 3.5

    Sheeg dhererka xuduuda Soomaaliya kala dhaxeysa wadamada Itoobiya iyo kiinaya. (2 dhibcood)

    2 marks
  6. 3.6

    Falanqee Noocyada wasakhowga Deegaanka. (3 dhibcood)

    3 marks
  7. 3.7

    Maxaa loola jeedaa Tamar? (2 dhibcood)

    2 marks
  8. 3.8

    Falanqee astaamaha Dadka magaalada kunool. (3 dhibcood)

    3 marks
  9. 3.9

    Sheeg magaca loo yaqaano xuduudaha ay asteeyaan Buuraha, wabiyada iyo badaha. (2 dhibcood)

    2 marks
  10. 3.10

    Qor labo sababood oo looga soo socdaalo miyiga. (2 dhibcood)

    2 marks
  11. 3.11

    Qor labo ka mid ah kaabayaasha sanaacada. (2 dhibcood)

    2 marks
  12. 3.12

    Kalasaar farqiga u dhaxeeya biyo gobaleed iyo biyaha caalamiga ah. (3 dhibcood)

    3 marks
  13. 3.13

    Falanqee saamaynta ay soohdimaha siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha ay ku leeyihiin nolosha bulshada. (4 dhibcood)

    4 marks
  14. 3.14

    Caddee dadaalladii Xukuumadii hore militariga ee la xiriiray waaxda beeraha. (2 dhibcood)

    2 marks
  15. 3.15

    Falanqee waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. (3 dhibcood)

    3 marks
  16. 3.16

    Caddee ahmiyadda waaxda xoola dhaqashada Soomaaliya. (2 dhibcood)

    2 marks
  17. 3.17

    Ka faalloo ahmiyadda gaadiidka dhulka. (2 dhibcood)

    2 marks
  18. 3.18

    Qeex cilmiga tirakoobka. (2 dhibcood)

    2 marks
  19. 3.19

    Tilmaan ilaha xogaha tirakoobka. (2 dhibcood)

    2 marks
  20. 3.20

    Isbarbar dhig astaamaha goballada kulul iyo kuwa qabow ee dunida. (3 dhibcood)

    3 marks
  21. 3.21

    Sheeg laba kamid ah noocyada maraakiibta. (2 dhibcood)

    2 marks
  22. 3.22

    Sharaxad kabixi dhibaatooyinka ka jira deegaanka Soomaaliya. (3 dhibcood)

    3 marks
  23. 3.23

    Sheeg labo kamid ah laamaha cilmiga jiyoolojiyada. (2 dhibcood)

    2 marks
  24. 3.24

    Qor laba kamid ah tobanka dal ee ugu horreeya xagga dalxiiska. (2 dhibcood)

    2 marks
  25. 3.25

    Faahfaahi astaamaha ganacsiga dhiibadda ee Soomaaliya. (3 dhibcood)

    3 marks
  26. 3.26

    Sheeg labo nooc oo kamid ah garoomada diyaaradaha Soomaaliya. (2 dhibcood)

    2 marks
  27. 3.27a

    Soomaaliya waxay qaadatay Nidaamka federaalka ah 2004. Waaku haboonyahay, Sababee. (2 dhibcood)

    2 marks
  28. 3.27b

    Soomaaliya waxay qaadatay Nidaamka federaalka ah 2004. Kuma haboono, Sababee. (2 dhibcood)

    2 marks
  29. 3.28

    Sheeg labo ka mid ah noocyada dalxiiska Soomaaliya. (2 dhibcood)

    2 marks
  30. 3.29

    Sharaxaad kabixi caqabadaha laxiriira aadanaha ee heysta wax soosaarka beeraha soomaaliya. (3 dhibcood)

    3 marks
  31. 3.30

    Ku muuji Khariidada Soomaaliya goballada soo socda halkay dhacaan (5 dhibcood): 1. Gobolka Nugaal. 2. Gobolka Sh/hoose. 3. Gobolka Baay. 4. Gobolka Banaadir. 5. Gobolka Waqooyi Galbeed.

    Figure from the exam paper
    5 marks

Paper set by the Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Shared free of charge to help students prepare. The answers and explanations are written by Sheerxirfad teachers.

Other Form 4 Geography (Juqraafi) past papers

All units of Form 4 Geography (Juqraafi)
Sheerxirfad

Somalia's leading online learning platform. Study ACCA, accounting, business and technology in Somali and English on any phone, and earn a verified certificate.

We Accept

Payment method 1
Payment method 2
Payment method 3
Payment method 4

© Copyright 2026 Sheerxirfad, All rights reserved. Powered by Ilays Solutions