Koorsadan waxay isku keenaysaa saddexda heer ee Kiswahili Rahisi si aad hal meel ugu barato Kiswahili laga bilaabo xarfaha ilaa mazungumzo heer sare ah. Casharrada waxaa lagu sharxay af Soomaali.
- Level 1 (Bilow): alfabeti, salaan, naxwaha aasaasiga ah (ngeli, wakati, kukanusha), ereyada qoyska, guriga, suuqa iyo 7 cashar oo ficillo ah (vitenzi).
- Level 2 (Dhexe): naxwe qoto dheer (amri, kukanusha timilifu iyo ujao, ngeli A-WA, KI-VI, U-I, LI-YA) iyo 12 cashar oo akhris ah.
- Level 3 (Sare): 57 mazungumzo oo nolosha maalinlaha ah: dhakhtarka, hoteelka, suuqa, maxkamadda, ganacsiga iyo in ka badan.
Qayb kasta waxay ku dhammaanaysaa jaribio (imtixaan gaaban) si aad u hubiso waxaad baratay. Dhammaadka koorsada waxaa kuu diyaar ah imtixaan kama dambays ah oo macallinku qiimeeyo, kaas oo ka kooban naxwe, ereyo, akhris, dhegaysi, qoraal iyo hadal. Marka aad ku guulaysato waxaad heli doontaa shahaado.
Koorsadu waxay ka kooban tahay 129 cashar oo muuqaal ah, 14 jaribio iyo hal imtixaan kama dambays ah. Helitaanka: 365 maalmood.
Course Exam
Kiswahili Rahisi: Mtihani wa Mwisho (Level 1 hadi 3)
45 questions · 1h 30m · pass mark 59.40 · required to complete the course
FAQs
Course curriculum
Level 1 (Bilow) jaribio: Alfabeti, salamu na sarufi ya msingi
Requirements
Looma baahna aqoon hore oo Kiswahili ah: koorsadu waxay ka bilaabmaysaa eber.
Af Soomaali ayaa lagu sharxay casharrada, sidaas darteed waa inaad si fiican u fahanto Soomaali.
Telefoon ama kombiyuutar leh internet iyo qalab cod (spiikar iyo makarafoon) si aad u dhegaysato oo aad u duubto hadalka.
Waqti joogto ah: ugu yaraan 3 cashar iyo hal jaribio toddobaadkii.
Outcomes
Akhri oo qor Kiswahili laga bilaabo xarfaha iyo silabada ilaa qoraallo gaagaaban oo dhammaystiran.
Isticmaal naxwaha aasaasiga ah ee Kiswahili: ngeli (A-WA, KI-VI, U-I, LI-YA), wakati uliopo, uliopita, ujao iyo timilifu, amri iyo kukanusha.
Ku hadal si dabiici ah xaaladaha nolol maalmeedka: salaan, qoyska, suuqa, dhakhtarka, hoteelka, safarka iyo ganacsiga.
Faham mazungumzo Kiswahili ah oo heer sare ah adigoo adeegsanaya turjumaad toos ah oo af Soomaali ah.
Baro in ka badan 500 eray oo Kiswahili ah oo ku saabsan mawduucyo maalinle ah.
Ku guulayso jaribio kasta oo qaybeed iyo imtixaanka kama dambaysta ah, oo hel shahaado.




