Form 4 Geography (Juqraafi) imtixaanka qaranka 2024/2025 iyo jawaabihiisa
Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2024/2025 ee Form 4 Geography (Juqraafi), su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.
- 55 su'aalood, 100 dhibcood
- 120 daqiiqo
Gal imtixaankan
120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.
Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.
Tilmaamaha ardayga
Ka jawaab dhammaan su'aalaha. Ku qor jawaabaha warqadda imtixaanka gudaheeda. Waqtigu waa laba saacadood.
B. Goobo geli jawaabta saxda ah (40 Dhibcood)
- 11 dhibcood
Noocyada carrada ee dhulka Soomaaliya waa kala jaad, waxaana keenaayo kala duwanaanta:
- A.Nooca cimilada iyo dhadhaabta
- B.Nooca cimilada iyo folkaanaha
- C.Nooca dhadhaabta keliya
- D.Nooca cimilada keliya
- 21 dhibcood
Qayta ugu weyn uguna muhiimsan qaybaha dhirta waxaa lagu magacaabaa:
- A.Keymaha
- B.Cawska
- C.Haramaha
- D.Istibsi
- 31 dhibcood
Maxey yihiin hababka wadiiqada Makaanikada ay kaga duwantahay wadiiqada kiimikada?
- A.Teed dhireed iyo teedad adag
- B.Teedad gaaban iyo teed dhireed
- C.Teedad adag iyo walxaha shidaalka
- D.Walxaha shidaalka iyo teed dhireed
- 41 dhibcood
Adigoo adeegsanaya jaantuska hoose, tilmaan lambarka muujinaya gobolka Jubbada hoose:

- A.lambarka 12aad
- B.lambarka 8aad
- C.lambarka 18aad
- D.lambarka 17aad
- 51 dhibcood
Marka aynu joogno magaalooyinka xeebaha, sida la dareemi karo huurku wuxuu nodqaa mid:
- A.Kordha
- B.Hoos u dhaca
- C.Dhexdhexaad ah
- D.Aan muuqan
- 61 dhibcood
Jiidaha dulaha dhulka Soomaaliya waxaa loo qeybiyaa ilaa iyo:
- A.4 qeybood
- B.3 qeybood
- C.5 qeybood
- D.6 qeybood
- 71 dhibcood
Maxaa dhacaya haddii tirada dadka ay ka sara marto ilaha dhaqaale ee dabiiciga ah?
- A.Taran dhimid
- B.Taran furan
- C.Taran dhaqid
- D.Taran fatah
- 81 dhibcood
Xaalad ka dhalatay hoos u dhac ku yimid roobka muddo dheer waxaa loo yaqaan:
- A.Lama degaan
- B.Daad
- C.Barwaaqo
- D.Abaar
- 91 dhibcood
Waxyaabaha dabiiciga ah ee saameeya baahsanaanta tirada dadka waxaa kamid ah:
- A.Cimilada
- B.Xirfadda
- C.Dhimashada
- D.Socdaalka
- 101 dhibcood
Goob cufnaanta dadkeedu uu ka sarreeyo 100 qof halkii kiilomitir ee laba jibbaaran waa goob cufnaan dadku ay:
- A.Sarreyso
- B.Hooseyso
- C.Aad u sarreyso
- D.Aad u hooseyso
- 111 dhibcood
Sanadkii 1970, guud ahaan tirada warshadaha dalka ku yaalay waxa ay gaarayeen:
- A.190 warshadood
- B.180 warshadood
- C.120 warshadood
- D.122 warshadood
- 121 dhibcood
Marka laysku qeeybiyo tirada dadka iyo baaxadda dalka maxaa loo yaqaanaa:
- A.Koror dabiici ah
- B.Koror aan dabiici aheyn
- C.Cufnaanta dadka
- D.Kororka wadamada
- 131 dhibcood
Adiga oo eegaya jaantuska hoos kaaga muuqda, sheeg ilo tamareedka loo adeegsado:

- A.Tamarta dabaysha
- B.Tamartata biyaha
- C.Tamarta korontada
- D.tamarta qorraxda
- 141 dhibcood
Goobaha ugu warshadaha badan Aduunka waxaa ka mid ah:
- A.Galbeedka Afrika
- B.Galbeedka Yurub
- C.koonfurta Ameerika
- D.waqooyiga Aasiya
- 151 dhibcood
Waa tee laanta jiyooloji ee uu adeegsanaayo haddii Injireer loo xilsaaro dhisida buundo:
- A.jiyoolojiga bay'ada
- B.jiyoolojiga handasada
- C.jiyoolojiga waxbarashada
- D.jiyoolojiga saliidda iyo dhaqaalaha
- 161 dhibcood
Dadka dunida ku nool dhulka dushiisa waxay ugu filiqsan yihiin qaab:
- A.Isla'eg
- B.Aan isla ekeyn
- C.Toosan
- D.Dheelitiran
- 171 dhibcood
Diwaangelinta tirada carruurta dhalaneysa, tirada carruurta dhimaneysa iyo xaaladaha guurka iyo furriinka waa:
- A.Tirikoobka dadka
- B.Tirikoob muhiim ah
- C.Filiqsanaanta dadka
- D.Diiwaan gelinta dadka
- 181 dhibcood
Ilaha tamarta ee dib loo cusboonaysiin karo waa nooc tamar oo aan dhammaaneyn waxaana kamid ah:
- A.Tamarta Cadceedda
- B.tamarta dhuxusha
- C.tamarta Yuraaniyaamka
- D.tamarta Gaaska dabiiciga ah
- 191 dhibcood
Sohdin dabiici ah waa xaduud ama sohdin lagu saleynaayo astaynteeda muuqaallo dabiici ah sida:
- A.Buuro
- B.Xariiq
- C.Handasi
- D.Ilbaxnimo
- 201 dhibcood
Kuwaan soo socda keeban ka mid aheyn shaqooyinka sohdin siyaasadeed?
- A.Kala saaridda dalalka
- B.Ilaalinta amniga
- C.Ilaalinta dhaqaalaha
- D.maamulka xadka
- 211 dhibcood
Haddii aad rabto inaad beerato dalag, carro noocee ah ayaad adeegsaneysaa:
- A.Carro hurdiga
- B.Carro maanyo
- C.Carro bannaan xeebeed
- D.Carro madow
- 221 dhibcood
Waa immisa loolalka ay dhacaan gobollada Kulul, haddii wadarta loolalka ay tahay 180°?
- A.30 digrii
- B.60 digrii
- C.45 digrii
- D.23 digrii
- 231 dhibcood
Maxey noqonayaan wadarta warshadaha ku yaalay Muqdisho iyo Hargeysa(31 warshadood)?
- A.154 warshadood
- B.153 warshadood
- C.155 warshadood
- D.157 warshadood
- 241 dhibcood
Maxaad ku magacaabi laheyd haddaad soo booqato magaalo dadku badanaa ku mashquulsanyihiin waxbarasho:
- A.Magaalo diimeed
- B.Magaalo warshadeed
- C.Magaalo aqooneed
- D.Magaalo maamul
- 251 dhibcood
In lasoo aruuriyo xogo iyo macluumaad la xariira juqraafiga, iyadoo loo maraayo hab indha indheyn ah, waa:
- A.Cilmi qoran
- B.Xog kaydsan
- C.Cilmi baaris
- D.Xog tilmaaman
- 261 dhibcood
Hanaan diyaarinta xogta Juqraafigu waxa ay martaa ilaa iyo
- A.lix heer
- B.shan heer
- C.toddobo heer
- D.sagaal heer
- 271 dhibcood
Tilmaaha ay badda furani kaga duwan tahay badda xiran waxaa kamid ah:
- A.Waxey la xariirtaa badweyn
- B.Waxey leedahay marin cariiri ah
- C.waxey leedahay dooxo
- D.waxey leedahay haro
- 281 dhibcood
Farqiga maalinlaha iyo sanadlaha ee gobolka Cimilada badhaalaha waxaa lagu yaqaan:
- A.Hooseyn
- B.Sarreyn
- C.dhexdhexaad
- D.diirimaad
- 291 dhibcood
Marka uu noole weeraro noole kale, si uu noloshiisa ugu maareeyo waxaa loo yaqaan:
- A.Isla noolaansho
- B.Ugaadhsi
- C.Wada noolaansho
- D.Kala faaidaysi
- 301 dhibcood
Adigoo eegaya khariidada hoose, waa kee lambarka lagu calaamadeeyey dalka Masar:

- A.Lambarka 50aad
- B.Lambarka 48aad
- C.Lambarka 41aad
- D.Lambarka 51aad
- 311 dhibcood
Maxaa dhacaya haddii dadkii aqoonta lahaa ay ka socdaalaan dalka?
- A.Maan qulqul
- B.Maan cabburin
- C.Maan fatah
- D.Maan go'id
- 321 dhibcood
Astaamaha degmooyinka miyiga ah ay kaga duwan yihiin kuwa magaalada waa:
- A.Xajmigooda oo yar
- B.Xariirkooda oo liita
- C.Heerka nolosha oo sarreeya
- D.Kalama dhaxlaan dhaqamo
- 331 dhibcood
Meeraha Masaafo ahaan ugu dhaw qorraxda kana tirsan baho cadceedeedka waa:
- A.Maaris
- B.dhulka
- C.meerkuri
- D.Sateen
- 341 dhibcood
Haddii ay amminta magaalada Muqdisho ee dhacda 45° bariga giriinwij tahay 10:00AM soo saar amminta magaalada Qaahira oo dhacda 30° bariga giriinwij?
- A.11:00AM
- B.09:00AM
- C.10:30AM
- D.12:00AM
- 351 dhibcood
Kuwaan soo socda keebaan kamid aheyn calaamadaha khariidada leedahay?
- A.Qiyaaska khariidada
- B.tusmada khariidada
- C.cinwaanka kahriidada
- D.dug baxa khariidada
- 361 dhibcood
Wadamadan soo socda midkee baa ah wadanka ugu waxsoo saarka badan xagga gaaska dabiiciga ah?
- A.Baxreyn
- B.Imaaraadka
- C.Qadar
- D.Aljeeriya
- 371 dhibcood
Dalkii ugu horreeyey ee billaabay sahminta juqraafiga waxa uu ahaa dalka:
- A.Bortaqiiska
- B.Ingiriiska
- C.Talyaaniga
- D.Isbeyn
- 381 dhibcood
Marka aad eegto sawirka hoose, waa tee nooca folkaano ee uu muujinaayo:

- A.Folkaano firfircoon
- B.Folkaano meyd ah
- C.Folkaano huruda
- D.Folkaano muuqata
- 391 dhibcood
Khariidada tilmaameysa meelaha kheyraadka beeraha, warshadaha iyo ganacsiga, waa khariidada:
- A.Siyaadsadda
- B.Dhaqaalaha
- C.Cimilada
- D.Isgaarsiinta
- 401 dhibcood
Dalka Soomaaliya waxaa ku nool dad gaaraya 18,000,000 qof, baaxadiisuna waxa ay la eg tahay 637,657 km laba jibbaaran.Haddaba, soo saar cufnaanta tirada dadkiisa:
- A.30 qof/km2
- B.28 qof/km2
- C.12 qof/km2
- D.16 qof/km2
QAYBTA 2AAD EE IMTIXAANKA: T. Ka jawaab Su'aalahaan (60 Dhibcood)
- B14 dhibcood
Falanqee kaalinta culimada Muslimiinta ay ku lahaayeen Cilmiga Jiyoolojiga
- B24 dhibcood
Kala saar gobollada dabiiciga ah ee dunida
- B34 dhibcood
Falanqee qaababka wasakhowga hawada.
- B44 dhibcood
Qor xal ku habboon sida looga hortagi karo daadadka.
- B54 dhibcood
Falanqee ahmiyadda istiraajiiyadeed ee dhulka Soomaaliyeed.
- B64 dhibcood
Falanqee sida ay dadka soomaaliyeed ugu kala baahsanyihiin dalka soomaaliyeed
- B74 dhibcood
Sharrax kooban ka bixi noocyada gaadiidka dhulka
- B84 dhibcood
Tax ilaha daraaseynta bulshooyinka
- B94 dhibcood
Qor caqabadaha haysta xoolo dhaqashada Soomaaliya
- B104 dhibcood
Kala sooc noocyada xoolo dhaqashada dunida
- B113 dhibcood
Maxay ku kala duwanyihiin dawladaha badda leh iyo kuwa aan badda laheyn
- B124 dhibcood
Maxay kula tahay in ay dhacayaan haddii uu kordho kululaanshaha dunida?
- B134 dhibcood
Isbarbardhig waxa ay ku kala duwan yihiin Cimilo iyo Cimilogooreed?
- B144 dhibcood
Qor xal ku habboon saameynta xun ee warshaduhu ku leeyihiin deegaanka
- B155 dhibcood
Adigoo eegaya khariidada hoose, ku muuji wadamada soo socda
I. Kiinya II. Jabuuti III. Itoobiya

Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.




