Sheerxirfad
Imtixaan hore

Form 4 Geography (Juqraafi) imtixaanka qaranka 2022 iyo jawaabihiisa

Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2022 ee Form 4 Geography (Juqraafi), su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.

  • 30 su'aalood, 100 dhibcood
  • 120 daqiiqo

Gal imtixaankan

120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.

Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.

Tilmaamaha ardayga

Answer all the questions on the answer booklet. Questions are printed in Somali, English and Arabic.

Weydiinta koowaad: Goobo geli xarafka weedha saxda ah dhammaan weedhaha soo socda (60)

Part (1): Circle the letter of the correct answer (60)

  1. 1

    Cilmiga quseeyo diraaseynta carrada, biyaha, dhaqdhaqaaqa dhulka iyo wixii la halmaalo waxaa lagu magacaabaa: (English: The scientific study of earth's soil, water and finding solutions to pollution is called:)

    • A.jiyoolajiga Handasada
    • B.jiyoolajiga Saliidda
    • C.Jiyoolojiyada waxbarashada
    • D.jiyoolajiga Deegaanka
    3 dhibcood
  2. 2

    Carrada laga helo daltooyinka wabiyada Jubba iyo Shabeelle waxaa loo yaqaannaa: (English: The type of soil found in the Shabeelle and Jubba river deltas is:)

    • A.Bannaan xeebdeeka
    • B.Dhoobada madow
    • C.Foolkaano
    • D.Nuurad
    3 dhibcood
  3. 3

    Waxaa dhanka bariga kaga beegan Soomaaliya (English: Somalia is bordered on the east by:)

    • A.Gacanka Cadmeed
    • B.Baab al Mandal
    • C.Badweynta Hindiya
    • D.Badda Cas
    3 dhibcood
  4. 4

    Soomaaliya waxaa ay ka kooban tahay _____ gobol. (English: Somalia consists of _____ regions.)

    • A.7
    • B.12
    • C.16
    • D.18
    3 dhibcood
  5. 5

    Maxaa lagu magacaabaa buurta ugu dheEr Soomaaliya? (English: Which mountain has the highest peak in Somalia?)

    • A.Surad
    • B.Daallo
    • C.Calmadow
    • D.Buur Hakaba
    3 dhibcood
  6. 6

    Wax soosaarka ugu muhiimsan ee ay Soomaalidu dhoofiso waa: (English: The most important commodity which Somalia exports is:)

    • A.Kabaha
    • B.Dharka
    • C.Miraha
    • D.Xoolaha
    3 dhibcood
  7. 7

    Dekedda ugu shaqada iyo dakhliga badan ee dalkeenna waxa ay ku taallaa magaalada: (English: The busiest seaport which also generates the most revenue is located in:)

    • A.Marko
    • B.Baraawe
    • C.Muqdisho
    • D.Kismaayo
    3 dhibcood
  8. 8

    Kororka dadka ee ka sarreeyo ilaha dhaqaale ee dal uu leeyahay ayaa la yiraahdaa: (English: A population growth which exceeds the natural resources of a country is called population:)

    • A.Taran joogsi
    • B.Taran qulub
    • C.Tarah fatah
    • D.Taran xir
    3 dhibcood
  9. 9

    Maxaa loo yaqaannaa qeyb ama koox loo soo qaato in ay metesho bulsho la tirokoobay si loo baaro ama loo diraasadeeyo? (English: A group of people or items selected randomly to represent a population is called:)

    • A.Lakab bulsheed
    • B.Muunad
    • C.Koox hawleed
    • D.Urur
    3 dhibcood
  10. 10

    Waa maxay cilmiga la xiriiro ururinta, nidaaminta iyo soo bandhigidda nidaamsaN ee xogaha bulsho? (English: The first source from which a population's number, distribution and other characteristics are obtained is:)

    • A.Tirokoob
    • B.Maamul bulsho
    • C.Maamulka iyo maareynta
    • D.Cilmibaaris
    3 dhibcood
  11. 11

    Xuduudaha ay asteeyaan buuraha, webiyada iyo badaha waxaa loo yaqaannaa: (English: The type of border which is marked by mountains, rivers and seas is called:)

    • A.Xuduud dabiici ah
    • B.Xuduud ilbaxnimo
    • C.Xuduud handasi ah
    • D.Xuduud keymo
    3 dhibcood
  12. 12

    Gumeystaha ku caawiyay Itoobiya in ay gacanta ku dhigto Soomaali Galbeed waa: (English: Which colonial power assisted Ethiopia in annexing western Somalia?)

    • A.Talyaaniga
    • B.Ingiriisiga
    • C.Faransiiska
    • D.Boortaqiiska
    3 dhibcood
  13. 13

    Waxyaabaha sababo sameysanka sohdin siyaasadeedka waxaa ka mid ah: (English: Among the factors which led to the establishment of borders is:)

    • A.Gumeystaha
    • B.Ciyaaraha
    • C.Socdaalka
    • D.Dhammaan
    3 dhibcood
  14. 14

    Tilmaamaha cimilada gobollada kulul waxaa ka mid ah: (English: The following is a characteristic of tropical regions:)

    • A.Heerkulka oo sarreeyo sanadka oo dhan
    • B.Heerkul sare xiliga xagaaga, qabow daran xiliga jiilaalka
    • C.Qalleyl xiliga xagaaga, diirrimaad roob leh xiliga jiilaalka
    • D.Dhex-dhexaad xiliga xagaaga, qabow xiliga jiilaalka
    3 dhibcood
  15. 15

    Heerkulka dunida oo kordha waxaa sababo: (English: One of the causes of increased temperatures is:)

    • A.Wasakhowga carrada
    • B.Kalluumeysiga badan
    • C.Adeegsiga shidaalka dhulka laga qodo
    • D.Wasakhowga biyaha
    3 dhibcood
  16. 16

    Biyaha wasakheysan waxaa ay halis ku yihiin: (English: Unclean water is dangerous to:)

    • A.Dhismayaasha
    • B.Caafimaadka aadanaha
    • C.Gaadiidka
    • D.waddooyinka
    3 dhibcood
  17. 17

    Dalalka dunida ugu caansan dalxiiska waxaa ka mid ah: (English: Which of the following country is a popular destination for tourists?)

    • A.Turkiga
    • B.Soomaaliya
    • C.Kiiniya
    • D.Angoola
    3 dhibcood
  18. 18

    Wabiga duniga ugu dheer waa: (English: What is the longest river in the world?)

    • A.Jubba
    • B.Niil
    • C.Furaat
    • D.Congo
    3 dhibcood
  19. 19

    Wabiga Jubba waxa uu ku biyo shubaa badweynta: (English: The Jubba River in Somalia joins with the _____ ocean.)

    • A.Hindiya
    • B.Atlaantikada
    • C.Baasifigga
    • D.Artikga
    3 dhibcood
  20. 20

    Jiidaha kalluumeysiga ee Soomaaliya waxaa ka mid ah: (English: Fishing zones in Somalia are found in:)

    • A.Marka iyo Kismaayo
    • B.Badhan iyo Dhahar
    • C.Luuq iyo Doolow
    • D.Xuddur iyo Waajid
    3 dhibcood

Weydiinta Labaad: Kajawaab su'aalaha soo socdo (40)

Part 2: Answer the following questions (40). Marks per question not printed; 4 each assumed.

  1. 21

    Qeex cilmiga Jiyooloojiga. (English: Define geology)

    4 dhibcood
  2. 22

    Ku muuji khariidadda hoos ku sawiran dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah. (English: On the map below, label (write) Somalia and the neighboring countries)

    Sawir ka mid ah warqadda imtixaanka
    4 dhibcood
  3. 23

    Sharrax ahammiyadda ay inoo leedahay baddu. (English: Explain the importance of the sea)

    4 dhibcood
  4. 24

    Tilmaan ahammiyadda istaraatiijiyadeed ee dhulka Soomaaliya. (English: Describe the strategic location of Somalia)

    4 dhibcood
  5. 25

    Caddee caqabadaha ku hor gudban tirokoobidda dadka Soomaaliyeed. (English: Determine the barriers inhibiting the conduct of a census in Somalia.)

    4 dhibcood
  6. 26

    Adiga oo tixraacaayo qaabdhismeedka da'da dadka Soomaaliyeed, tilmaan kooxda (ama da'da) ugu tiro badan. (English: Referring to the composition of Somalia's population in terms of age, identify the largest group.)

    4 dhibcood
  7. 27

    Isbarbardhig caqabadaha heysta waaxyaha kalluumeysiga iyo beero qodashada soomaaliyeed. (English: Compare challenges facing the fishing and farming sectors in Somalia.)

    4 dhibcood
  8. 28

    Tilmaan sababaha dadka ay uga soo hijroodaan/socdaalaan miyiga iyaga oo aadaya magaalooyinka (English: Describe the reasons behind rural to urban migration)

    4 dhibcood
  9. 29

    Caddee ilaha ay ka yimaaddaan biyaha ku jira dhulka guntiisa hoose. (English: Identify the sources of underground water.)

    4 dhibcood
  10. 30

    Ka faalloo siyaabaha loo yareyn karo jaridda dhirta loo adeegsado dhuxusha (English: Analyze ways in which cutting trees for charcoal can be reduced.)

    4 dhibcood

Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.

Imtixaanada kale ee hore ee Form 4 Geography (Juqraafi)

Dhammaan cutubyada Form 4 Geography (Juqraafi)
Sheerxirfad

Barta ugu horreysa ee waxbarashada online-ka ah ee Soomaaliya. Ku baro ACCA, xisaabtanka, ganacsiga iyo teknoolajiyada Af-Soomaali iyo English telefoon kasta, oo hel shahaado la xaqiijiyay.

Waxaan aqbalnaa

Payment method 1
Payment method 2
Payment method 3
Payment method 4

© Copyright 2026 Sheerxirfad, Dhammaan xuquuqda waa la dhowray. Waxaa farsameeyay Ilays Solutions