Form 4 Geography (Juqraafi) imtixaanka qaranka 2021 iyo jawaabihiisa
Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2021 ee Form 4 Geography (Juqraafi), su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.
- 30 su'aalood, 100 dhibcood
- 120 daqiiqo
Gal imtixaankan
120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.
Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.
Tilmaamaha ardayga
Answer all the questions on the answer booklet. Time: 2 hours. The paper is printed in Somali, English and Arabic.
Weydiinta koowaad: Goobo geli xarafka weedha saxda ah / Part (1): Select the correct answer for the following (40)
- 12 dhibcood
Laanta cilmiga Jiyooloojiga ee daraaseysa cilmiga Carrada waa / The branch of geology that concerns the study of soil is
- A.Jiyooloojiga Handasada / Engineering geology
- B.Jiyoolojiga Saliidda / Petroleum Geology
- C.Jiyooloojiga ba'ada (Deegaanka) / Environmental geology
- D.Jiyoolojiga dhaqaalaha / Economic geology
- 22 dhibcood
Nooca carro ee laga helo deltooyinka wabiyada Jubba iyo Shabeelle waxaa loo yaqaan / The Soil that found in the deltas of Jubba and Shabelle is called
- A.Carro lakabeed / sedimentary lime and sand soil
- B.Carro nuurad / lime soil
- C.Carro foolkaano / volcanic soil
- D.Carro dhoobada madow / Black clay soil
- 32 dhibcood
Xeyndaabka ay ku noolyihiin dhammaan noloyeda ee dhulka oogada sare waxaa loo yaqaannaa gibilka / The zone in which all organisms live on the earth is called:
- A.hawada / Atmosphere
- B.biyaha / hydrosphere
- C.nololeyda / biosphere
- D.qalfoofta dhulka / lithosphere
- 42 dhibcood
kaymo xilliyeedku waxay ku jiraan kaalinta labaad kadib kaymaha: / Seasonal tropical forests are ranged as the second largest forest after:
- A.kulaaleyda / Equatorial forests
- B.kaymaha cimilada dhex-dhexaadka / Temperate forests
- C.Kaymaha Qabowbaha / cold forests
- D.kaymaha caleen irbadleyda / Coniferous forests.
- 52 dhibcood
Nolosha dhireed ee dhulka Soomaalida waxay ku badan tahay gobollada: / The density of plant life in Somalia is high in the:
- A.Dhexe / Middle regions
- B.woqooyi / Northern regions
- C.Bari / Eastern regions
- D.Koonfurred / Southern regions.
- 62 dhibcood
Sabaha keena dikhowga (wasaqowga) hawada waxaa ka mid ah: / The causes of air pollution included
- A.Xaalufinta dhirta / Deforestation
- B.Beddelidda hiddo sidaha / Genetic modification
- C.Qiiqa gawaarida / The emission of carbon monoxide from cars
- D.Diqowga hawada (wasaqowg) / Water pollution
- 72 dhibcood
Hababka lagu xallin karo dhibaatada xaalufka ee kiimiko waxaa ka mid ah / The chemical method to prevent desertification is:
- A.Waxyaabaha laga dhambalo shidaalka oo lagu daadiyo meelaha daafaha ah. / petroleum products of sticky spray applied to the surface soil.
- B.Teed dhireed / Vegetation barriers
- C.Teedka adag / Concrete barriers
- D.Faafinta wacyiga deegaanka xafida / Propagation of environmental awareness
- 82 dhibcood
Dhibaatooyinka xagga deegaanka ee Soomaaliya waxaa ka mid ah / The environmental problems in Somalia
- A.Ka faa'iideysiga beero falashada / Agricultural exploitation
- B.jaridda dhirta / Cutting trees phenomenon
- C.ilaalinta meelaha halista u ah daadadka / Protection of the areas which are risk at of floods
- 92 dhibcood
Dalka aan badda lahaheyn (dhex ku jirka ah) ee ka mid ah dalalka soo socda waa dalka: / Which of the following countries is landlocked?
- A.Soomaaliya / Somalia
- B.Suudaan / Sudan
- C.Yugaandha / Uganda
- D.Masar / Egypt
- 102 dhibcood
Jiidda dulaba ee dalka Soomaaliya waxay kubadan tahay : / The plateau zone in Somalia prevails in regions:
- A.Aagagga waqooyi / Northern
- B.Aagagga koonfureed / Southern
- C.Aagagga bari / Eastern
- D.Aagagga dhexe / Middle
- 112 dhibcood
Gobollada Soomaaliya ee soo socda kan ugu cufnaanta badan xagga dadka waa: / The region that has a high population density in Somalia is:
- A.Gobollada Bari / Eastern regions
- B.Gobollada waqooyi / Northern regions
- C.Gobollada Koonfureed / Southern regions
- D.Gobollada Galbeed / western regions
- 122 dhibcood
Gaadiidka xagga dhulka ee dhulka Soomaaliya waxaa ka mid ah: / The land transport in Somalia is:
- A.Doomaha / Boats
- B.Gawaarida (baabuurta) / cars
- C.Diyaaradaha / airplanes
- D.Tareennada / Railways
- 132 dhibcood
Waxyaabaha dabiiciga ah ee saameeya baahsanaanta tirada dadka waxaa ka mid ah / The natural factors effecting the distribution of population:
- A.Tirada dhalashada / birth rate
- B.Tidarada dhimashada / Death rate (mortality)
- C.Socdaalka (hijrada) / Immigration
- D.Kheyraadka Macdanta / Mineral resources
- 142 dhibcood
Dhibaatooyinka magaalada waxaa ka mid ah / The urban problem in the following is
- A.Habka tiro-koobka dhammeystiran / Complete census method
- B.dhibaatooyinka siyaasadeed / Political problems
- C.Dhibaatooyinka qashin fogeynta / Lack of an efficient method to dispose of waste materials.
- D.Colaadaha / Wars
- 152 dhibcood
Goobaha uga warshadaha badan Dunida waxaa ka mid ah / The most important industrial regions in the world:
- A.Bariga Afrika / East Africa
- B.Waqooyiga Aasiya / North Asia
- C.Bariga Yurub / East Europe
- D.Bariga Ameerikada Waqooyi / East of North America
- 162 dhibcood
Dalxiiska u jeedkiisu yahay baahi gaar ah, oo aan loola jeedin madadaalo waxaa loo yaqaan: / The tourism that intended for necessity, not for entertainment is known us:
- A.Dalxiis Dhaqameed / Cultural tourism
- B.Dalxiis Isir la xiriira / Ethnic tourism
- C.Dalxiis caafimaad / Medical tourism
- D.Dalxiis diineed / Religion tourism
- 172 dhibcood
Xariiqaha Xuduudeed ee dowladi ku maamusho madax-bannaanideeda waxaa loo yaqaan / The lines that define the area of land over which a country exercises its sovereignty is called.
- A.Muuqaal Juquraafi / Geographic phenomenon
- B.Xudduud siyaasadeed / political borders
- C.Xayndaab dhuleed / spatial
- D.Joogekeeya / framework
- 182 dhibcood
Nooc ahaan, xudduudda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya waa xuduud: / Somalia-Ethiopia border is type of
- A.Goboleed / Regional
- B.dhexdhexaad / Neutral
- C.Handasi / Geometric
- D.Gudaha ah / Local
- 192 dhibcood
Kashmiir waxay dhacdaa inta u dhexeysa: / Kashmir is located between the
- A.Baaskistaan iyo Hindiya / Pakistan and Hind
- B.Bangaaladheesh iyo Usbakistaan / Bangladesh
- C.Turkumaanistaan iyo Adarbijaan / Turkmenistan and Azerbaijan
- 202 dhibcood
Isbedelka cimilada waxaa lagu tiriyaa waxyaabaha aadka loo daneeyo ee deegaanka la xiriira kaas oo soo baxay xilligii / Climate change is regarded as another environmental concern which has emerged during the
- A.Hore / Ancient age
- B.Dhexe / Middle ages
- C.xilliyada cusub / Modern age
- D.xilliyada jiyoolojiga / Geological age
Qeybta 2: Ka jawaab weydiimaha soo socda / Part 2: Answer the following Questions
Marks for each question are not printed.
- 2.16 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah astaamaha gibilka nololeyda / Mention two of biospheres' characteristics
- 2.26 dhibcood
Kala saar noocyada dhirta dabiicaga ah ee dunida / Classify the types of natural plants in the world
- 2.36 dhibcood
Loolalku waxay ka muhiimsan yihiin dhigaha, sheeg sababta? / Latitude is more important than longitude, why?
- 2.46 dhibcood
Oogada dhulka Soomaaliya waxaa loo qeybiyaa seddex qeybood, caddee qeybahaas / The physical features of Somalia can be generally divided into three types, mention these types
- 2.56 dhibcood
Qor seddex ka mid ah waxyaabaha aadanaha la xiira ee saameeya filiqsanaanta. / Write three of human factors affecting the distribution of the population.
- 2.66 dhibcood
Waa maxay farqiga u dhexeeya tamarta la cusbooneysiin karo iyo tamarta aan la cusbooneysiin Karin / Differentiate between the renewable and non-renewable energy
- 2.76 dhibcood
Soo jeedi hababka lagu xallin karo dhibaatooyinka magaalooyinka / Propose solutions for the urban problems
- 2.86 dhibcood
Tiri heerarka qorsheynta xuduudda siyaasadeed / List the stages of designing political boundaries
- 2.96 dhibcood
Sidee ay Soomaaliya ula dhaqantay dalalka deriska la ah, si loo xaliyo dhibaatada la xiriirta gobollada laga heesto Soomaaliya? / How did Somalia deal with solving the problems of its territories occupied by its neighbors?
- 2.106 dhibcood
Maxaa loola jeedaa Tamar? / Write the concept of Energy
Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.




