Form 4 Geography (Juqraafi) imtixaanka qaranka 2024 iyo jawaabihiisa
Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2024 ee Form 4 Geography (Juqraafi), su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.
- 46 su'aalood, 100 dhibcood
- 120 daqiiqo
Gal imtixaankan
120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.
Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.
Tilmaamaha ardayga
Fadlan jawaabaha ku qor buugga jawaabaha.
Qeybta 1aad: Goobo gali Xarfaha Jawaabta Saxda ah (20 Dhibcood).
- 12 dhibcood
Cilmiga daraaseeya carrada iyo biyaha waa juqraafiga:
- A.Handasada.
- B.Warshadaha
- C.Dhaqaalaha.
- D.Deeganka.
- 22 dhibcood
Soomaaliya waxay dhacdaa:
- A.Galbeedka qaaradda Afrika.
- B.Bariga qaaradda Afrika.
- C.Waqooyiga qaaradda Afrika.
- D.Bartamaha qaaradda Afrika.
- 32 dhibcood
Nooca carro ee ugu habboon wax soo saarka beerashada waa:
- A.Carro hurdiga.
- B.Carro gaduud.
- C.Carro madow.
- D.Carra maanyo.
- 42 dhibcood
Heerka kowaad ee qorsheynta sohdinta Siyaasadeed waa:
- A.Tilmaamidda sohdinta.
- B.Qeexidda sohdinta.
- C.Maamulka sohdinta.
- D.Xadeynta sohdinta.
- 52 dhibcood
Ilaha Tamarta aan la cusboonaysiin karin waxaa kamid ah:
- A.Tamarta dabeysha
- B.Tamarta nukliyeerka.
- C.Tamarta Cadceeda
- D.Tamarta Biyaha.
- 62 dhibcood
Sannadkii 1970, waxaa magaalada Muqdisho ka jiray ku dhawaad:
- A.110 warshadood.
- B.115 warshadood.
- C.22 warshadood.
- D.140 warshadood.
- 72 dhibcood
Halka ay ka samaysanto duufaanta Sunaamiga waa:
- A.Bannaanada.
- B.Buuraha.
- C.Dulaha.
- D.Badaha.
- 82 dhibcood
Jiid waa.
- A.Xarriiq u dhaxeeya dalalka.
- B.Mallahan muuqaal dabiici ah
- C.Goob Juqraafi oo leh dheerar iyo ballac.
- D.Xarriiq qaanuun salka ku haya.
- 92 dhibcood
Xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya waa:
- A.Dabeeci.
- B.Ilbaxnomo.
- C.Handasi.
- D.Lamadagaan.
- 102 dhibcood
Bedka dhuleed ee dhulkii Koonfurta fog ee Soomaaliyeed ee Ingiriisku ku wareejiyey Kenya waxa uu ahaa:
- A.1590km
- B.128,000km2
- C.188,000km2
- D.135,000km2
Qeybta 2aad: ku beeg weedha qeybta (B) Midda ku haboon ee qeybta (T): (5 dhibcood)
- M11 dhibcood
Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Sool. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.
- M21 dhibcood
Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Hiiraan. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.
- M31 dhibcood
Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Bakool. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.
- M41 dhibcood
Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Galguduud. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.
- M51 dhibcood
Ku beeg weedha qeybta (B) midda ku haboon ee qeybta (T). Gobolka: Sanaag. Magaalooyinka madaxda ah (T): Ciiragaabo, Xudur, Laascaanood, Baladweyn, Dhuusamareeb.
Qeybta 3aad: Ka jawaab Su,aalaha soo socda: ( 75 dhibcood).
- 3.12 dhibcood
Sheeg waxa loola jeedo jiyoolajiga waxbarshada. (2 dhibcood)
- 3.22 dhibcood
Sharaxaad kabixi Noocyadda carrada Soomaaliya. (2 dhibcood)
- 3.32 dhibcood
Sheeg tiiraraka Warshadaha. (2 dhibcood)
- 3.42 dhibcood
Tilmaan meelaha ugu muhiimsan ee warshadaha dunida. (2 dhibcood)
- 3.52 dhibcood
Sheeg dhererka xuduuda Soomaaliya kala dhaxeysa wadamada Itoobiya iyo kiinaya. (2 dhibcood)
- 3.63 dhibcood
Falanqee Noocyada wasakhowga Deegaanka. (3 dhibcood)
- 3.72 dhibcood
Maxaa loola jeedaa Tamar? (2 dhibcood)
- 3.83 dhibcood
Falanqee astaamaha Dadka magaalada kunool. (3 dhibcood)
- 3.92 dhibcood
Sheeg magaca loo yaqaano xuduudaha ay asteeyaan Buuraha, wabiyada iyo badaha. (2 dhibcood)
- 3.102 dhibcood
Qor labo sababood oo looga soo socdaalo miyiga. (2 dhibcood)
- 3.112 dhibcood
Qor labo ka mid ah kaabayaasha sanaacada. (2 dhibcood)
- 3.123 dhibcood
Kalasaar farqiga u dhaxeeya biyo gobaleed iyo biyaha caalamiga ah. (3 dhibcood)
- 3.134 dhibcood
Falanqee saamaynta ay soohdimaha siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha ay ku leeyihiin nolosha bulshada. (4 dhibcood)
- 3.142 dhibcood
Caddee dadaalladii Xukuumadii hore militariga ee la xiriiray waaxda beeraha. (2 dhibcood)
- 3.153 dhibcood
Falanqee waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. (3 dhibcood)
- 3.162 dhibcood
Caddee ahmiyadda waaxda xoola dhaqashada Soomaaliya. (2 dhibcood)
- 3.172 dhibcood
Ka faalloo ahmiyadda gaadiidka dhulka. (2 dhibcood)
- 3.182 dhibcood
Qeex cilmiga tirakoobka. (2 dhibcood)
- 3.192 dhibcood
Tilmaan ilaha xogaha tirakoobka. (2 dhibcood)
- 3.203 dhibcood
Isbarbar dhig astaamaha goballada kulul iyo kuwa qabow ee dunida. (3 dhibcood)
- 3.212 dhibcood
Sheeg laba kamid ah noocyada maraakiibta. (2 dhibcood)
- 3.223 dhibcood
Sharaxad kabixi dhibaatooyinka ka jira deegaanka Soomaaliya. (3 dhibcood)
- 3.232 dhibcood
Sheeg labo kamid ah laamaha cilmiga jiyoolojiyada. (2 dhibcood)
- 3.242 dhibcood
Qor laba kamid ah tobanka dal ee ugu horreeya xagga dalxiiska. (2 dhibcood)
- 3.253 dhibcood
Faahfaahi astaamaha ganacsiga dhiibadda ee Soomaaliya. (3 dhibcood)
- 3.262 dhibcood
Sheeg labo nooc oo kamid ah garoomada diyaaradaha Soomaaliya. (2 dhibcood)
- 3.27a2 dhibcood
Soomaaliya waxay qaadatay Nidaamka federaalka ah 2004. Waaku haboonyahay, Sababee. (2 dhibcood)
- 3.27b2 dhibcood
Soomaaliya waxay qaadatay Nidaamka federaalka ah 2004. Kuma haboono, Sababee. (2 dhibcood)
- 3.282 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah noocyada dalxiiska Soomaaliya. (2 dhibcood)
- 3.293 dhibcood
Sharaxaad kabixi caqabadaha laxiriira aadanaha ee heysta wax soosaarka beeraha soomaaliya. (3 dhibcood)
- 3.305 dhibcood
Ku muuji Khariidada Soomaaliya goballada soo socda halkay dhacaan (5 dhibcood): 1. Gobolka Nugaal. 2. Gobolka Sh/hoose. 3. Gobolka Baay. 4. Gobolka Banaadir. 5. Gobolka Waqooyi Galbeed.

Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.




