Form 4 History (Taariikh) imtixaanka qaranka 2024/2025 iyo jawaabihiisa
Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2024/2025 ee Form 4 History (Taariikh), su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.
- 55 su'aalood, 100 dhibcood
- 120 daqiiqo
Gal imtixaankan
120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.
Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.
Tilmaamaha ardayga
Ka jawaab dhammaan su'aalaha. Ku qor jawaabaha warqadda imtixaanka gudaheeda. Waqtigu waa laba saacadood.
B. Goobo geli jawaabta saxda ah (40 Dhibcood)
- 11 dhibcood
Suldaankii ugu dambeeyay Cusmaaniyiinta waxa uu ahaa Suldaan:
- A.Cabdulxamiid 2
- B.Muxammad 1
- C.Saliim
- D.Muraad
- 21 dhibcood
Dowladdii Cabbaasiyiintu waxay ku dhalatay qaab :
- A.Shuuro ah
- B.Doorasho ah
- C.Kacdoon ah
- D.Tanaasul ah
- 31 dhibcood
Sanadkii 1969-kii, Madaxweyne Cabdirrashiid waxaa lagu dilay magaalada:
- A.Laas Qoray
- B.Burco
- C.Boorama
- D.Laas Caanood
- 41 dhibcood
Dagaalkii 2aad waxa uu kaga duwanaa dagaalkii 1aad in dawladihii adkaaday ay curiyeen nidaam:
- A.Boqortooyo
- B.kaligii talisnimo
- C.Dawladnimo-gaarsiin
- D.dawlad dhexe
- 51 dhibcood
Dhaqdhaqaaqii Mahdiga Suudaan waxaa sasbabay soo ifbixiisii:
- A.Kacdoonkii Faransiiska
- B.Dagaalkii 1aad
- C.Dagaalkii sahyuuniyiinta
- D.Gumeysigii Ingiriiska
- 61 dhibcood
Shirkii Baarliin ee qaybinta Afrika waxaa la qabtay sanadkii:
- A.1894
- B.1848
- C.1849
- D.1884
- 71 dhibcood
Dadka ugu badan ee ku nool Kashmiir waxay haystaan Diinta:
- A.Islaamka
- B.Masiixiyadda
- C.Hinduuga
- D.Majuusiyadda
- 81 dhibcood
Jabbaan oo doonaysa dhul-ballaarsi ka hor Dagaalkii 2aad ee Adduunka ayaa weerar ku qaadday dalka shiinaha sanadku markuu ahaa
- A.1931
- B.1936
- C.1932
- D.1937
- 91 dhibcood
Laaluushku waxa uu qayb ka yahay:
- A.Qabyaalad
- B.Eex
- C.Musuqmaasuq
- D.Qof-jecleysi
- 101 dhibcood
Ujeedooyinkii ugu waaweynaa ee loo aasaasay Jaamacadda Carabta waxaa kamid ahaa:
- A.Kacdoonka carabta
- B.Madax-bannaanida Dawlaha carabta
- C.Sameynta Dhul ballaarsi
- D.aragti siyaasadeed
- 111 dhibcood
Xarunta Midowga Afrika waxay ku taallaa dalka :
- A.Masar
- B.Koofur Afrika
- C.Itoobiya
- D.Suudaan
- 121 dhibcood
Ilaha dhaqaale ee boqortooyada islaamiga ee Zinzibaar waxa ay ku tiirsanaayeen dhoofinta:
- A.Shidaalka
- B.Faanta maroodiga
- C.Biraha xadiidka ah
- D.Gerriga labka ah
- 131 dhibcood
Halyeygii nasiib buundo ee kamidka ahaa xoogagii xornimo doonka waxa uu geeryooday sannadkii
- A.1906dii
- B.1901dii
- C.1910kii
- D.1909kii
- 141 dhibcood
Talada oo laga raadsho cidda ehelka u ah ayaa loo yaqaan:
- A.Dimuqraadiyad
- B.Xorriyad
- C.Shacbiyad
- D.Shuura
- 151 dhibcood
Xarunta rasmiga ah ee Ururka Jaamacadda Carabta waa:
- A.Jordan
- B.Jeddah
- C.Qaahira
- D.Qaadisiya
- 161 dhibcood
Suldaan Maxamed Al faatix ayaa furtay magaalada konistantanoobal (istanbul) sannadkii:
- A.1452dii
- B.1451dii
- C.1453dii
- D.1463dii
- 171 dhibcood
Saameynta ugu muhiimsan ee kacdoonka faransiisku ku yeeshay qaaradda yurub waa inuu abuuray:
- A.Kaligii-talisnimo
- B.Waddaniyad
- C.Gumeysi-doon
- D.Boqortinimo
- 181 dhibcood
Boqortooyooyinkii soo maray Mesobotaamiya waxaa kamid ahaa:
- A.Soomaariyiin
- B.Biisandhiyiin
- C.Cusmaaniyiin
- D.Mangooliyiin
- 191 dhibcood
Suldaankii ugu horreeyey ee suldaanada dawladdii cusmaaniyiinta waxa uu ahaa suldaan:
- A.Cusmaan 1
- B.Muxammad 1
- C.Muraad 1
- D.Orkhaan 1
- 201 dhibcood
Ururka Midowga Dhallinyarada soomaaliyeed ee SYL waxaa la aasaasay:
- A.5tii May 1945tii
- B.10kii Janaayo 1947dii
- C.15kii May 1943dii
- D.20kii Luulyo 1949kii
- 211 dhibcood
Dadkii ugu horreeyey ee soo dagey dhulka falastiiniyiinta intii u dhexeysay 3000-2500 NCH waxa ay ahaayeen
- A.Baabiliyiin
- B.Kaadiyiin
- C.Kancaaniyiin
- D.Roomaaniyiin
- 221 dhibcood
"Annagu kuuma heyno wax aan ka aheyn waran iyo seef af badan" waxaa yiri oraahdaan
- A.yuusuf shallaali
- B.Maxamed Ra'uuf
- C.Mahdiga suudaan
- D.odayaal dhaqameedka
- 231 dhibcood
Sababihii dhaliyey dhaqdhaqaaqii wadaniyiinta Azhar ee dalka Masar waxaa kamid ahaa:
- A.Gumeysigii faransiiska
- B.Kacdoonkii Suudaan
- C.Kacdoonkii warshadaha
- D.Dagaalkii sahyuuniyiinta
- 241 dhibcood
ururkii ANC (African National Congress) ee la dagaalanka midab kala sooca Koonfur Afrika waxaa la aasaasay:
- A.8dii Janaayo sannadkii 1912dii
- B.10kii Janaayo 1915tii
- C.6dii Juun sannadkii 1914tii
- D.12kii May sannadkii 1910kii
- 251 dhibcood
Mid kamid sababihii ugu muhiimsanaa ee dhaliyey kacaankii Ruushka wuxuu ahaa:
- A.Guushii shaqaalaha
- B.Dhibaatooyinkii beeraha
- C.dagaalkii galbeedka
- D.dagaalkii qaboobaa
- 261 dhibcood
Halyeygii Maxamed Cabdulle Xalane waxa uu dhufeyska dagaal kaga jiray magaalada:
- A.Harar
- B.Xudur
- C.Tog-wajaale
- D.Hawaash
- 271 dhibcood
Dastuurkii ugu horreeyey ee rasmi ah ee ay soomaaliya yeelato waxaa la soo saaray sannadku markuu ahaa:
- A.1967dii
- B.1964tii
- C.1965tii
- D.1961kii
- 281 dhibcood
Waxaa lagu tiriyaa dhaqdhaqaaqii Maxamed Axmed Mahdi midka mid ah kacdoonnadii ugu caansanaa taariikhda dalka:
- A.Suuriya
- B.Suudaan
- C.Soomaaliya
- D.South Afrika
- 291 dhibcood
Waa asalka koowaad ee nidaamka siyaasadeed ee islaamka, waxa ayna kulmisaa dhammaan arrimaha muslimiinta:
- A.Dimuqraadiyad
- B.Xisbiyo
- C.Shuura
- D.Federal
- 301 dhibcood
Xisbigii naasiga waxa uu kaga duwanaa xisbigii fashiistaha in Naasigu:
- A.Qabsaday Yugoslaafiya
- B.Qadsanday Ethiopia
- C.La heshiiyey Ruushaka
- D.Madax ka dhigtay Linin
- 311 dhibcood
Soomaaliya waxa ay urrurka Jaamacadda Carabta ku biirtay sanadkii
- A.1972dii
- B.1973dii
- C.1974tii
- D.1975tii
- 321 dhibcood
Mid ka mid ah halyeyadaan ayaa ka mid ahaa xertii Sheekh Aweys ee magaalada Baraawe:
- A.Sheikh Xasan Barsane
- B.Sheikh Cabdi Abiikar Jaafle
- C.Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
- D.Nasiib Buundo
- 331 dhibcood
Waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee sawira khariiradda dhulka:
- A.Ibnu maasuuwiya
- B.Abuu bakar alraasi
- C.Khuwaarsizmi
- D.Al Mustacsim
- 341 dhibcood
Marka loo eego nidaamka lagu asaasay, dowladda umawiyiintu waxa ay kaga duwaneyd cabaasiyiinta in lagu dhisay:
- A.Kacdoon
- B.Shuura
- C.Tanaasul
- D.Dhaxal
- 351 dhibcood
Waddankii ugu horreeyay ee ah gumeystaha reer yurub ee yimidaada Afrika waxa uu ahaa:
- A.Ingiriiska
- B.Faransiiska
- C.Taliyaaniga
- D.Burtaqiiska
- 361 dhibcood
Sahmiyihii ugu horreeyay ee hela wadda aadda "Gacanka Rajada Wanaagsan" ee Afrika waxa uu aha:
- A.Alfoonso Albookeerki
- B.Baartelmuud Diyaas
- C.Henerigii Badmaaxa
- D.Faasko Da Gaama
- 371 dhibcood
Waa fartii ay masaaridii hore adeegsan jireen:
- A.Musmariyah
- B.Hiroqliifiya
- C.Baabiliyoon
- D.Ashuuri
- 381 dhibcood
Qofkii ugu horreeyay ee rumeeyo rasuulka dhanka ragga waxa uu ahaa:
- A.abuubakar sadiiq
- B.cumar bin khadaab
- C.cusmaan bin Cafaan
- D.Cali bin Abii Daalib
- 391 dhibcood
Waa habka kaydinta jirka maydka, iyada oo la adeegsanayo waxyaabo ka ilaalin kara inuu isbedelo, waxaana adeegsan jiray masaaridii hore:
- A.Taxniid
- B.Dul-yaal
- C.Boorayn
- D.Akuudin
- 401 dhibcood
Cali Binu Abii Dhaalib oo ahaa khaliifkii afaraad ee khulfaa'urashidiin, waxaana dilay:
- A.Abuu lu'lu al-majuusi
- B.C/raxmaan binu Muljim
- C.Abuu raafic Al-asri
- D.Qitaam binu Mutcab
QAYBTA 2AAD EE IMTIXAANKA: T. Ka jawaab Su'aalahaan (60 Dhibcood)
- B13 dhibcood
Sharrax soo ifbaxa dowladdii Cusmaaniyiinta.
- B25 dhibcood
Curi hab xal wanaagsan u noqon kara qaddiyadda Falastiin?.
- B34 dhibcood
Falanqee ujeeddooyinka Gumeysigii reer Yurub.
- B44 dhibcood
Falanqee sida heshiiskii Farsaay (Versailles Treaty) uga mid noqday sababihii keenay Dagaalkii 2aad ee Adduunka.
- B53 dhibcood
Sharrax farqiga u dhexeeya Shuurada iyo Dimuqraadiyadda.
- B64 dhibcood
Falanqee nidaamkii xukunka ee dawladdii Cusmaaniyiinta.
- B75 dhibcood
Maxay kula tahay sababta keentay in dawladaha qaar ay qaataan nidaamka madaxweyne u eke.
- B85 dhibcood
Qiimeyn ku samee tognaanta iyo tabnaanta halgankii mahdiga ee Suudaan.
- B94 dhibcood
Falanqee farqiga u dhexeeya xuquuq iyo waajibaad.
- B103 dhibcood
Sharrax macnaha ilbaxnimada iyo taariikhda.
- B113 dhibcood
Caddee sababihii gudaha ee keenay dhiciddii dawladda cusmaaniyiinta.
- B124 dhibcood
Sharrax sida qadiyadda falastiin ugu weyntahay muslimiinta.
- B135 dhibcood
Cabdi raxmaan Cali Ciise ayaa yiri oraahdaan "Waxa aan nahay Soomaali waa in aan ka shaqeynaa danaha soomaaliyeed" hadaba mas'uuliyad noocee ah ayaa ka saaran dalkaaga.
- B144 dhibcood
Falanqee xiriirka u dhexeeya sharci iyo bulsho?
- B154 dhibcood
Falanqeyn kooban ka bixi sabibihii dhaliyay kacdoonkii Mareykanka.
Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.




