Form 4 History (Taariikh) imtixaanka qaranka 2021 iyo jawaabihiisa
Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2021 ee Form 4 History (Taariikh), su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.
- 30 su'aalood, 100 dhibcood
- 120 daqiiqo
Gal imtixaankan
120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.
Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.
Tilmaamaha ardayga
Answer all the questions on the answer booklet. Time: 2 hours. The paper is printed in Somali, English and Arabic.
Weydiinta koowaad: Goobo geli xarafka weedha saxda ah / Part (1): Select the correct answer for the following (40)
- 12 dhibcood
Fiditankii dowladda Cusmaaniyiinta waxay gaarsiisay gobolladeeda: / Ottoman's empire states were after its expansion:
- A.50 gobol / 50 states
- B.32 gobol / 32 states
- C.43 gobol / 43 states
- D.23 gobol / 23 states
- 22 dhibcood
Caqabadda ugu wayn ee haysatay Ciidanka Cusmaaniyiinta marka ay furanayeen Konistantinoobal waxay ahayd : / The greatest challenge that faced the Ottoman army to conquer Constantinople is:
- A.wareejinta maraakiibta / to move ships
- B.khilaaf u dhexeeyay / the conflict between them
- C.Awoodda cadawgooda / power of enemy
- D.hub yari / luck of weapons
- 32 dhibcood
Dowladda Cusmaaniyiinta markii ay tabar yarayssy waxaa logu yeeri jiray: / When Ottoman Empire reached a severe state of weakness it was called
- A.Ninkii ree yurub ee jiran / The sick man of Europe.
- B.Ninkii ree yurub ee xoogga badnaa / The powerful man of Europe
- C.Boqortooyadii Cusmaaniyadda / Ottoman Empire
- D.Dowladdii islaamka. / The Islamic state.
- 42 dhibcood
Ururka Sahyuuniyadda caalamiga waxaa asaasay / World Zionist organization was established by
- A.Thiyuudoor Heral / Theodore Herizl
- B.Bin gooriyoon / Ben-Gurion
- C.Isxaaq Rabiin / Isak Rabin
- D.Gold Maa iir / Gold Mair
- 52 dhibcood
Dadka ku nool Gobolka Kashmiir waxaa Muslim ah: / The Muslim population of Kashmir is estimated to be:
- A.40% / 40%
- B.80% / 80%
- C.60% / 60%
- D.10% / 10%
- 62 dhibcood
Hay'adda kaliya ee rasmiga ah ee u xilsaaran maxkamadaynta danbiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha waa : / The only official body delegated with the crimes against humanity is :
- A.maxkamadda caalamiga ee danbiyada / ICC
- B.golaha amaanka / security council
- C.midawga afrika / AU
- D.jaamacadda carabta / Arab league
- 72 dhibcood
Golaha guud ee Qaramada midoobay waxa uu go'aamiyay in Soomaaliya la hoos geeyo habka dowlladnimo gaarsiinta muddo dhan: / The General Assembly of the United Nations agreed to place Somalia under Italy's trusteeship for:
- A.15sano / 15 years
- B.17sano / 17 year
- C.10 sano / 10 years
- D.5sano / 5 years
- 82 dhibcood
Taliyihii ugu horeeyay ciidanka soomaaliya markii la dhisay ka dib wuxuu ahaa: / The first commander of Somali national army after its establishment was:
- A.Jen.Maxamed siyad / Gen. Mohamed Siad
- B.Jen.Daauud Cabdulle Xirsi / Gen. Da'ud Abdulle Hirsi
- C.Jen.Caynaanshe / Gen. Aynanshe
- D.Jen.Galaal. / Gen. Galaal
- 92 dhibcood
1976 dii waxaa la kala diray golihi sare ee Kacaanka, waxaana laga soo reebay / In 1976 the revolutionary council was dissolve except :
- A.5 xubnood / 5 of its members
- B.7 xubnood / 17 of its members
- C.4xubnood / 4 of its members
- D.xubina lagama soo reebin / none of them
- 102 dhibcood
Dhaqdhaqaaqa Mahdiyiinta waxa ay ahaayeen kacdoonkii ugu muuqday ee ka dhaca: / The Mahdist movements is considered one of the prominent revolutions in :
- A.Suudaan / Sudan
- B.Liibiya / Libya
- C.Masar / Egypt
- D.Koofur Afrika / South Africa
- 112 dhibcood
Jamhuuriyada midowga Koofur Afrika waxa ay ahayd mid ka mid ah tusaalayaasha ugu foosha xumaa xagga: / The republic of Union of south Africa was one of the worst examples of :
- A.dagaalka / battle
- B.Midab kala sooca / racial discrimination
- C.Gaajada / Famine
- D.musuqa / corruption
- 122 dhibcood
Bishii sibtember 1939 ciidammada Jarmalka ayaa qarxiyay dagaalkii 2aad ee adduunka ka dib markii ay ka tallaabeen soohdinta dalka: / In September 1939, German forces ignited world war 2, after crossing the border of:
- A.booland / Poland
- B.maraykanka / USA
- C.Ruushka / Russia
- D.faransiiska / France
- 132 dhibcood
Waxaa ku dhintay dagaalkii labaad ee aduunka dad lagu qiyaasay: / People who died in the world war II are estimated at:
- A.50 malyan / 50 Million
- B.62malyan / 62 Million
- C.30 malyan / 30 Million
- D.20malyan / 20 Million
- 142 dhibcood
Dagaalkii qaboobaa Yurub waxay is aragtay ayada oo u kala qeybsan: / Europe found itself divided between the:
- A.labo is bahaysi / two major camps
- B.saddex isbahaysi / three major camps
- C.Afar isbahaysi / four major camps
- D.is bahaysiyo badan / mulitple camps
- 152 dhibcood
Kadib soo jeedinta golaha amaanka, golaha guud ee qaramada midoobay ayaa magacaaba xoghayaha guud muddo: / On the recommendation of the security council, the general assembly appoints secretary-General for a period of :
- A.4 sano / 4 years
- B.5 sano / 5 years
- C.6 sano / 6 years
- D.7 sano / 7 years
- 162 dhibcood
Dowladaha xubinta ka ah ururka midowga afrika waa: / Member countries of the AU are:
- A.34 dowladood / 34 states
- B.50 dowladood / 50 states
- C.54 dowladood / 54 states
- D.100 dowladood / 100 states
- 172 dhibcood
Fikradda asaasidda Ururka Midnimada Islaamka waxaa soo jeedinteeda lahaa madaxwaynihii soomaaliya: / Which Somalia president proposed the establishment of the OIC?
- A.Aadan cadde / Aden Adde
- B.C/rashiid Cali / Abdirishid Ali
- C.Maxamed Siyad / Mohamed Siyad
- D.C/qaasim salaad / Abdikasim salad
- 182 dhibcood
Dastuurkii soomaaliya ee sannadkii 1961, wuxuu ahaa dastuurkii : / Somalia's constitution of the year 1961 counts:
- A.1aad / first
- B.2aad / second
- C.3aad / third
- D.4aad / fourth
- 192 dhibcood
Tiirarka dimuquraadiyadda ay ku taagantahay waxaa ka mid ah: / The main pillars of a democracy include:
- A.kali talisnimo / Dictatorship
- B.Adeegsi Awood / using power
- C.Doorasho / Elections
- D.Xukun dheer / longtime leader
- 202 dhibcood
doorashadii ugu danbaysay 1969, tirada xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed wuxuu gaaray : / In the last parliamentary election in 1969 the number of parliamentary seats reached:
- A.132 / 132
- B.123 / 123
- C.213 / 213
- D.231 / 231
Qeybta 2: Ka jawaab weydiimaha soo socda / Part 2: Answer the following Questions (60 marks)
- 2.16 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah sababihii gudaha ee ka qayb qaatay tabardarradii dowladda Cusmaaniyiinta? / Mention two of the internal factors that contributed to the weakness of the Ottoman Empire?
- 2.26 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah muhiimadda gobolka Kashmiir u leedahay Bakistaan ? / Write two of Importance of Kashmir region to the Pakistan ?
- 2.36 dhibcood
Madaxwayne Aadan Cadde waxa uu ku faanay in uu wareejinayo hogaanka dowlad aan qofna fikir dartiis ugu xirnayn, maxaan ka fahmi karnaa hadalkaas? / President Adam Adde proudly presented himself with a government that did not have a single political prisoner. What do you understand from this sentence?
- 2.46 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah guulihii xukuumadii milatariga ee Soomaaliya todobadii sano ee ugu horeeyay / List two of the achievements of the military government in Somalia during the first seven years of its life.
- 2.56 dhibcood
"Xukun waa kii Eebe ee ma aha kiina dhalanteedka ah" maxaa loola jeedaa hadalkaan? / "Judgment is God's Judgment, not your fake judgment" what does this statement mean?
- 2.66 dhibcood
Sheeg laba ka mid ah sababii dhaliyay dagaalkii labaad ee adunka? / Write two of the main causes of World war 2 ?
- 2.76 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah howlaha golaha guud ee qaramada midoobay? / Mention two of the major functions of the United Nations(UN) general assembly ?
- 2.86 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah ujeedooyinka loo asaasay jaamacadda carabta? / Write two of the main goals of the Arab league?
- 2.96 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah caqabadaha dibadda ee soo waajahay ururka midawga afrika? / Write two of the external challenges that faced African Union(AU) organization?
- 2.106 dhibcood
Sheeg mid ka mid ah ujeeddooyinka shareciga / Mention on of the objectives of the law
Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.




