Sheerxirfad
Past paper

Form 4 Af-Soomaali national exam 2018 with answers

The 2018 Form 4 national exam paper for Form 4 Af-Soomaali, question by question. Take it timed like the real exam, then see the answer and explanation to every question.

  • 47 questions, 100 marks
  • 120 minutes

Take this paper

120 minutes, 100 marks. Multiple choice is marked for you; you mark your written answers against the marking points.

A free account is needed to start, so your answers and results are saved.

Instructions to candidates

Imtixaanku waxa uu ka kooban yahay 12 bog oo daabacan. Tiri oo hubi haddii wax kaa maqan yihiin u sheeg horjoogahaaga ku ilaalinaaya.

Qaybta 1-aad: Goobo geli jawaabta saxda ah (30-dhibcood)

Akhri sheekada kadibna ka jawaab su'aalaha. SHEEKO: ODAYGII DACADDA AHAA. Waqti hore waxaa jiray nin duq ah oo la noolaa xaaskiisa, saddex wiil iyo gabar uu dhalay. Asaga waxaa uu ahaa sabool, laakiin nin daacad ah ayaa uu ahaa. Waxaa uu lahaa dhul yar oo uu ku beeran jiray khudaar. Wiilkiisa weyn waxaa la dhihi jiray Cali, isana waxaa uu ahaa wiil caqli badan. Markii uu Cali dhammaystay waxbarashadii dugsiga sare waxaa uu ku dadaalay sidii uu ugu heli lahaa waxbarasho ka sarraysa, laakiin saboolnimadii uu reerka ku ogaa awgeed waa uu ka talo baxay fikradaas, ka dib waxaa uu go'aansaday in uu shaqo galo, si uu u caawiyo duqa aabbihiis ah una daryeelo reerkooda. Asaga waxa uu bilaabay in uu magaalada gudaheeda ka raadsado shaqo. Muddo badan ayaa uu raadinayey shaqada, laakiin ma uu san helin shaqo. Sidaas darteed aabbihiis waxaa uu ku waaniyey asaga in uu ka raadsado shaqo magaalo kale, taas oo u jirtay sideed km. Maalin walba waxaa uu ku aadi jiray lug goor hore, wuxuuna soo laaban jiray goor danbe oo fiid ah. Sidaas darteed waxa uu raadinayey shaqada saddex bilood in ka badan, laakiin nasiib xumo ma uu san helin shaqo. Maalin maalmaha ka mid ah mar uu ku soo laabanayey guriga, ayaa waxa uu fariistay geed hoostiisa si uu u nasto. Waxa uu bilaabay in uu fakaro waxa uuna yiri: "waa maxay nasiib xumadaani"? Waxa uu yiri, saddexdii bilood ee ugu dambaysay waxa aan raadinayey shaqo, waana ku guul daraystay. Dhab ahaantii waxa aan ka murugaysanahay sida adag ee aabbahay ugu shaqaynayo reerka, asaga oo ah da'adaas. Allaw waxa aan kaa baryayaa in aad ii sahasho in aan helo shaqo si aan u caawiyo, duq aabbahay ah iyo qoyskeenna. Markii uu nastay wiilkii 10-15 daqiiqo waxaa uu bilaabay socod. Waxaa uu si dhaqso ah u socday 1 km waqtigaas oo uu arkay boorso yar oo tiilay dhinaca jidka. Ka dib markii uu xaqiiqsaday in uu dhinaciisa qofna joogin, ayaa uu qaatay boorsadii waxa uuna u qaatay dhinaca hawdka si uu u arko wixii ku jiray. Markii uu furay boorsadii, waxaa uu la yaabay lacagta isku xiran ee uu ka dhex helay iyo waraaqo kale oo ku jiray. Waxaa uu bilaabay tirintii lacagta. Waxaa uu la yaabay lacagta uu helay oo ahayd $ 5000 (doolar). Lacagtaas badan aad ayaa uu ugu farxay. Lacagtii waxa uu ku celiyey boorsadii, si dhaqso ahna waa uu u socday. Ka dib gaaritaankii guriga, waxaa uu aabbihiis u sheegay sida uu u helay boorsada iyo wixii ku jiray. Waxaa uu wiilkii aabihiis ku yiri: waxa aan ku bilaabaynaa dukaan yar lacagtaan. Waxaana ku noolaanaynaa nolol fiican. Markii uu aabbihiis ka maqlay warkaas waxaa uu ku yiri: "wiilkeygii qaaliga ah ee Cali, tani ma ahan lacagteennii, xaqna uma lehin in aan haysanno. Ma dareemi kartaa sida ninkii lahaa uu uga xun yahay lacagta ka dhuntay, Cali waxa uu yiri, haa aabbe. Anigu waxa aan ka helay lacagtan jidka mana ka soo xadin qofna, tan kale ma jiro qof I arkaayey markii aan qaadayey boorsada. Waana waayey cid aan ku celiyo lacagtaas. Markii uu maqlay aabbihiis, cod gaaban waxaa uu yiri "wiilkaygiiyow, waxa aad leedahay qofna ima arkayn markii aan qaadayey boorsada, laakiin ma hilmaantay in uu Alle (SW) ku arkaayey. Sidaas darteed lacagtaan celi adiga oo aan daahin maadaama aad warqadaha lacagta la socday ka heshay ninka leh cinwaankiisa". Wiilkii waxa uu yiri: "waayahay Aabbe waa aqbalay waana run in Alle (SW) arkayo waxa aan samaynayo. Maalintii xigtay waxaa uu aaday wiilkii ninkii lahaa boorsada asaga oo ku yiri: boorsadaan shalay ayaa aan helay, fadlan tiri lacagtaada. Ninkii waxa uu aad u jeclaystay daacadnimada Cali. Markaas waxa uu siiyey $500 (doolar) oo abaal marin ah. Cali waa uu diiday in uu qaato lacagtaas, laakiin waxa uu ku yiri: "waxa aan six un ugu baahanahay shaqo. Waxa aan aad ugu farxi lahaa in aad i siiso shaqo, taas oo iiga fiican in aan qaato lacagtan. Ninka lacagta ka luntay waxa uu lahaa warshad weyn. Sidaas darteed waxa uu si dhakhso ah wiilkii ku siiyey shaqo mushahar fiican leh. "Cali muddo badan ayaa uu ka shaqaynaayey warshadaas, waxa uuna ka helay dhaqaale badan oo reerkii iyo aabbihiiba anfacday, waxayna ku noolaayeen farxad iyo rayn rayn.

  1. 1

    Odaygii daacadda ahaa wuxuu la noolaa:

    • A.xaaskiisa, 3 wiil iyo gabadh uu dhalay
    • B.xaaskiisa, 2 wiil iyo gabadh
    • C.xaaskiisa, 1 wiil iyo gabadh
    • D.xaaskiisa, iyo gabadh
    1.5 marks
  2. 2

    Odaygu wuxuu ahaa:

    • A.nin taajir ah
    • B.nin sabool ah
    • C.nin caro badan
    • D.nin shaqo badan
    1.5 marks
  3. 3

    Odaygu waxa uu wiilkiisa ku waaniyey in uu shaqo u raadsado:

    • A.magaalo u jirta 7 km
    • B.magaalo u jirta 6 km
    • C.magaalo u jirta 5 km
    • D.magaalo u jirta 8 km
    1.5 marks
  4. 4

    Cali wuxuu shaqo raadinaayey:

    • A.muddo dhan 5 bilood
    • B.muddo dhan 6 bilood
    • C.muddo dhan 3 bilood
    • D.muddo dhan 2 bilood
    1.5 marks
  5. 5

    Cali waxa uu nasanaayey muddo dhan:

    • A.10-5 daqiiqo
    • B.10-16 daqiiqo
    • C.10-20 daqiiqo
    • D.10-14 daqiiqo
    1.5 marks
  6. 6

    Cali wuxuu arkay intii uu ku socday jidka:

    • A.sanduuq yar oo jidka yaala
    • B.boorso yar oo jidka taala
    • C.ubbo yar oo jidka taala
    • D.shaati yar oo jidka yaala
    1.5 marks
  7. 7

    Cali xawaarihii u ku socday waxa uu ahaa:

    • A.2 km
    • B.1km
    • C.3 km
    • D.4 km
    1.5 marks
  8. 8

    Cali wuxuu la yaabay lacagta uu helaayo oo ahayd:

    • A.$10.000 (doolar)
    • B.$8.000 (doolar)
    • C.$4.000 (doolar
    • D.$5.000 (doolar)
    1.5 marks
  9. 9

    Wiilku waxa uu aabbihiis ku yiri:

    • A.lacagta geel ayaa aan ku gadanayaa
    • B.lacagta gaari ayaa aan ku gadanayaa
    • C.lacagta dukaan ayaa aan ku furanayaa
    • D.lacagta ari ayaa aan ku gadanayaa
    1.5 marks
  10. 10

    Daacadnimada Cali waxa uu ku kasbaday:

    • A.in la siiyo abaalmarin dhan $400 (doolar)
    • B.in la siiyo abaalmarin dhan $300 (doolar)
    • C.in la siiyo abaalmarin dhan $200 (doolar)
    • D.in la siiyo abaalmarin dhan $500 (doolar)
    1.5 marks
  11. 11

    Ereyga hilmaan macnihiisu waa:

    • A.ismoodsiin
    • B.dheeldheel
    • C.digasho
    • D.khiyaali
    1.5 marks
  12. 12

    Luntay waxa la mid ah

    • A.caymis
    • B.ambatay
    • C.dayooday
    • D.halawday.
    1.5 marks
  13. 13

    Aaran waxa loo yaqaan

    • A.barwaaqo
    • B.qaalmaha iyo qaalimada geela
    • C.abaar
    • D.b iyo t
    1.5 marks
  14. 14

    Naq waxa loo yaqaan

    • A.gu` ama xilli barwaaqo ah
    • B.geedo
    • C.doog
    • D.intaba
    1.5 marks
  15. 15

    Baad waxa loo yaqaan

    • A.tigaad ama daaq
    • B.baadadka indhaha
    • C.shimbir
    • D.b iyo t
    1.5 marks
  16. 16

    Okhole waxa loo yaqaan

    • A.weel caanaha lagu shuban jiray
    • B.wadaanta ama dawliska oo kale
    • C.agabka aqal soomaaliga lagu dhiso
    • D.intaba
    1.5 marks
  17. 17

    Gog waxa loo yaaqaan

    • A.gogol
    • B.bog
    • C.weel saan ah oo subagga lagu shuban jiray
    • D.geed
    1.5 marks
  18. 18

    Utun waxa la mid ah

    • A.abaal
    • B.hiijo
    • C.godob
    • D.t iyo j
    1.5 marks
  19. 19

    Doqon waxa la mid ah

    • A.dabaal
    • B.halaaje
    • C.nacas
    • D.intaba
    1.5 marks
  20. 20

    Maroodiga labka ah waxa loo yaqaan

    • A.Arayo
    • B.Aareeye
    • C.Arbe
    • D.bool
    1.5 marks

Qaybta 2-aad: Maahmaahyo (14-dhibcood)

Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan.

  1. 2.1

    Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Xumbo iyo xiisaba waa guraan (dhammaadaan)

    2 marks
  2. 2.2

    Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Nin weyni wedkii waa yaqaan

    2 marks
  3. 2.3

    Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Inta nabad la haysto yaa ninba laba nin leeg yahay

    2 marks
  4. 2.4

    Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Tabcadaa ma tuugsado

    2 marks
  5. 2.5

    Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Xalaal iftiin baa la cunaa

    2 marks
  6. 2.6

    Sharax kooban ka bixi murtida iyo maahmaaha hoos ku xusan: Nin weyni wedkii waa yaqaan

    2 marks
  7. 2.7b

    Dhammaystir murtidan hoos ku xusan: b. Dani waa _____

    1 mark
  8. 2.7t

    Dhammaystir murtidan hoos ku xusan: t. _____ dad la tooyasho maaha

    1 mark

Qaybya 3-aad: Maanso (10-dhibcood)

Sharax kooban ka bixi maansooyinkan soo socda.

  1. 3.1b

    Sharax kooban ka bixi maansooyinkan soo socda: b. Dunidaba macaankeedu waa maalmo kuu qorane / Middaan doonayaa waa dadkoo hela muraadkiiye

    5 marks
  2. 3.1t

    Sharax kooban ka bixi maansooyinkan soo socda: t. Garoo nolosha gabigeedu waa gole ciyaareede / Go'aankeedu waa sheekadoo galaysa taariikhe

    5 marks

Qaybta 4aad: Ereyo iyo Naxwe

B. Qor macnaha ereyadan (14-dhibcood). X. Ka soo saar sifada ku jira weerahan (5-dhibcood). B. Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda (7-dhibcood).

  1. 4B.1

    Qor macnaha ereyadan: Xawda kuu jaraye

    2 marks
  2. 4B.2

    Qor macnaha ereyadan: Xaas walwaalada

    2 marks
  3. 4B.3

    Qor macnaha ereyadan: Liiraha

    2 marks
  4. 4B.4

    Qor macnaha ereyadan: Xijiga

    2 marks
  5. 4B.5

    Qor macnaha ereyadan: Xafaar

    2 marks
  6. 4B.6

    Qor macnaha ereyadan: Saanyada

    2 marks
  7. 4B.7

    Qor macnaha ereyadan: Xanan

    2 marks
  8. 4X.1

    Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Cagaaran

    1 mark
  9. 4X.2

    Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Dheer

    1 mark
  10. 4X.3

    Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Gaaban

    1 mark
  11. 4X.4

    Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Jilicsan

    1 mark
  12. 4X.5

    Ka soo saar sifada ku jira weerahan: Weyn

    1 mark
  13. 4C.1

    Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda: Hor

    1.8 marks
  14. 4C.2

    Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda: Dhinac

    1.8 marks
  15. 4C.3

    Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda: Ag

    1.8 marks
  16. 4C.4

    Hoosta ka xariiq meeleeyayaasha ku jira weeraha soo socda: Korkiisa

    1.8 marks

Qaybta 5-aad: Curis (20-dhibcood)

Ka dooro mawduucyadan mid ka mid ah, kana qor ugu yaraan curis ka kooban (100).

  1. 5.1

    Ka dooro mawduucyadan mid ka mid ah, kana qor ugu yaraan curis ka kooban (100). 1. Faa'iidada biyaha 2. Asluubta hadalka

    20 marks

Paper set by the Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Shared free of charge to help students prepare. The answers and explanations are written by Sheerxirfad teachers.

Other Form 4 Af-Soomaali past papers

All units of Form 4 Af-Soomaali
Sheerxirfad

Somalia's leading online learning platform. Study ACCA, accounting, business and technology in Somali and English on any phone, and earn a verified certificate.

We Accept

Payment method 1
Payment method 2
Payment method 3
Payment method 4

© Copyright 2026 Sheerxirfad, All rights reserved. Powered by Ilays Solutions