
BARASHADA LUUQADDA SAWAXILIGA

Barashada luqada Sawaxiliga waa mid aad u fudud marka loo eego luqadaha kale ee la barto.
Kaliya waxyaabaha lagaaga baahan yahay inta aad ku jirto safarkaaga wax-barasho ayaa ah,
NIYAD & HAMI - Niyaddu waa meesha kaliya ee kuu horseedaysa inaad qabato waxyaabaha adiga kuu gaarka ah iyo kuwa bulshadaba. Sidaas darteed waa kugu waajib inaad NIYADDA ku meelayso barashada aad waddo.
DADAAL - Dadaalku wuxuu go'aamiyaa ka-dhabaynta. Wax walba oo lagu dadaalo waad keeni kartaa. Falsafaddu waxay leedahay "cilmigii aad muddo 15 daqiiqo ah maalintii geliso waxaad ku noqonaysaa caalim muddo 1 sano ah" ka waran haddii aad maalintii 30 daqiiqo geliso?
JOOGTAYN - Tani waxay kaa caawinaysaa inaad jadwalkaaga maalmeed si wanaagsan u dajiso. Haddaba ha moogaanin sababta. HADDABA sii wad, NATIIJADA way dhowdahaye.
LUQADA SAWAXILIGA AYAA HADDA NOQOTAY ASTAAN AY WADDAMO BADAN ISKU FAHMAAN. In ka badan 20 wadan ayaa ku hadla oo ka mid ah waddamada QAARADDA AFRICA.
SOOMAALIYA πΈπ΄ AYAA haatan ku biirtay waddamada Bariga AFRICA oo doonaysa inay wax la qaybsato si ay AAYAHEEDA & MUSTAQBALKEEDA DIPLOMAASIYADEED wax ugu beddesho.
Ka mid noqo malaayiinta shakhsi ee ku hadla Luqada SAWAXILIGA.
CAQABADO
Dhallinyaradeenu waxay in badan ku dhiban yihiin inay fahmaan dadka ka soo jeeda,
Kenya π°πͺ
Uganda πΊπ¬
Tanzania πΉπΏ
Congo π¨π©
Mozambique π²πΏ
Malawi π²πΌ
Kuwaani waa goobaha ugu badan ee aan ganacsiyo kala duwan ku leenahay.
Haddaba si aan xal uga gaarno, halkaan waxaan ku soo koobnay koorsooyin fudud oo aan ugu talagalnay inaan dadkeenaba ugu sahalno luqada SAWAXILIGA.
IS-MAAN-DHAAFKA KA BAX OO HADDA KA DIB ISAGA MAARAN TURJUMAAN, ADIGUDU CADKAAGA GOOSO.
ABDIJABAR NOOR,
Baraha luqada Sawaxiliga.
0 Faallo
Soo dhig Faallo
Weli faallo ma jiraan. Noqo kii ugu horreeyay ee faallo bixiya!




