AS

Instructor

Abdalla Shariif

5.0(1 faallo)12 Ardayda1 Koorsooyinka

12

Ardayda

1

Koorsooyinka

5.0

Qiimaynta

1

Faallooyinka

Luqadda casharrada
Soomaali
Saacadaha muuqaalka
6
Casharrada
51
Ugu dambeyntii la cusbooneysiiyay
Sebteembar 2026

Dhammaan Koorsooyinka

Daawo cashar bilaash ah

Casharro bilaash ah oo laga soo qaaday koorsooyinkan. Uma baahnid akoon si aad u daawato.

Ku Saabsan Abdalla Shariif

Igu Saabsan – Cabdalla Anas

Magacaygu waa Cabdalla Shariif Axmed, balse inta badan dadka waxay igu yaqaannaan Cabdalla Anas. Waxaan ahay macallin xirfadle ah tan iyo sannadkii 2019, anigoo si isdaba joog ah ugu shaqeynayay labada qaab ee offline iyo online. Jaceylka aan u qabo waxbaridda iyo horumarinta aqoonta ayaa iga dhigay qof ay ka go’an tahay inuu qayb libaax leh ka qaato kobcinta bulshada.

Waxaan aasaasay Baseera Academy, oo ahayd madal online ah oo loogu talagalay in lagu barto technology-ga casriga ah iyo luuqadda English-ka. Waxaa igu dhiirrigeliyay falcelin aad u wanaagsan oo aan ka helay ardayda, kuwaas oo tilmaamay in aysan horey u arkin meel la mid ah heerka iyo tayada madashaas. Inkasta oo sababo duruufo la xiriira ay hakad ku timid, haddana waxaan rajeynayaa in aan si rasmi ah dib ugu bilaabo mustaqbalka dhow Inshallaah.

Hiwaayadeyda ugu weyn waa waxbaridda, sababtoo ah waxay ii tahay laba geesood: waxaan is siyaa aqoon iyo horumar, waxaanan ardayda u kordhiyaa fursad ay ku gaaraan himilooyinkooda. Yaraantaydii waxaan ahaa qof aad u jecel sawiridda – ha ahaadeen noolaha ama walxaha kale – hase yeeshee markii dambe waxaan u jeestay dhinaca Graphic Design-ka casriga ah, taas oo ay igu riixday xiisaddii farshaxanka oo weli qalbigayga ku jirta.

2025 wuxuu noqday sanadkii safarka, anigoo booqday waddamo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, taas oo ii suurtagelisay inaan la kulmo bulshooyin kala duwan, kana kororsado waayo-aragnimo ballaaran. Waxaan ahay qof dulqaad badan, furfuran, isla markaana si kal iyo laab ah ugu heelan caawinta bulshada inta karaankeyga ah.

Himiladaydu waa inaan noqdo qof ku dayasho mudan, oo keena isbeddel togan, soona saara arday leh hibo, anfac badan iyo aqoon ku dhisan anshax.

Wuxuu Sheerxirfad wax ka dhigayay tan iyo 2025

Waxay ardayda dhahaan

5.0

1 faallo

  • 51
  • 40
  • 30
  • 20
  • 10
A

Ahmed osman haamud

Koorso Dhammeystiran oo Microsoft Office ah

Sheerxirfad

Barta ugu horreysa ee waxbarashada online-ka ah ee Soomaaliya. Ku baro ACCA, xisaabtanka, ganacsiga iyo teknoolajiyada Af-Soomaali iyo English telefoon kasta, oo hel shahaado la xaqiijiyay.

Waxaan aqbalnaa

Payment method 1
Payment method 2
Payment method 3
Payment method 4

© Copyright 2026 Sheerxirfad, Dhammaan xuquuqda waa la dhowray. Waxaa farsameeyay Ilays Solutions