Form 4 History (Taariikh) imtixaanka qaranka 2022 iyo jawaabihiisa
Imtixaanka qaranka Fasalka 4aad ee 2022 ee Form 4 History (Taariikh), su'aal su'aal. Ku gal adigoo waqti leh sida imtixaanka dhabta ah, kadibna arag jawaabta iyo sharaxa su'aal kasta.
- 30 su'aalood, 100 dhibcood
- 120 daqiiqo
Gal imtixaankan
120 daqiiqo, 100 dhibcood. Su'aalaha doorashada waa laguu saxayaa; jawaabaha qoraalka adiga ayaa ku saxaya qodobada sixitaanka.
Akoon bilaash ah ayaa loo baahan yahay si aad u bilowdo, si jawaabahaaga iyo natiijooyinkaaga loo kaydiyo.
Tilmaamaha ardayga
Answer all the questions on the answer booklet. Questions are printed in Somali, English and Arabic.
Weydiinta koowaad: Goobo geli xarafka weedha saxda ah dhammaan weedhaha soo socda (60)
Part (1): Circle the letter of the correct answer (60)
- 13 dhibcood
Asaasihii Dawladda Cusmaaniyiintu wuxuu ahaa: (English: The founder of the Ottoman empire was:)
- A.Maxamed Faatix
- B.Cusmaan Ardhogral
- C.Muraadkii 1aad
- D.Muraadkii 2aad
- 23 dhibcood
Markii ay fidday Baaxadda dawladda cusmaaniyiinta waxa maamul ahaan loo qaybiyay: (English: After its expansion, the Ottoman Empire was divided into _____ regional administrations.)
- A.23 Gobol
- B.28 Gobol
- C.32 Gobol
- D.34 Gobol
- 33 dhibcood
Sannadkii 1514tii, Cusmaaniyiintu waxa ay dagaalkii "Jaaldiiraan" ku jebiyeen dawladdii: (English: In 1514, the Ottomans defeated the battle of Chaldiran (Jalderan).)
- A.Safawiyiinta
- B.Saljuuqiyiinta
- C.Mamaaliikta
- D.Dhammaantood
- 43 dhibcood
Caqabadda ugu wayn ee haysatay ciidanka cusmaaniyiinta waxay ahayd: (English: The greatest challenge faced by the Ottoman empire during the conquest of Constantinople was:)
- A.Maraakiibta joogta dekedda bosfoor sidii loogu wareejin lahaa dekedda Geeska dahabiga
- B.Tirada ciidanka Cadawga oo badan
- C.Noocyada hubka oo ku yaraa
- D.Tirada ciidanka cusmaaniyiinta oo yaraa
- 53 dhibcood
Isirka Cusmaaniyiinta waxa uu ka soo jeEdaa Qabiilooyinka: (English: Ethnically, the Ottomans were descendants of:)
- A.Hindida
- B.Turkida
- C.Carabta
- D.Faarisiyiinta
- 63 dhibcood
Sadrul-Acdam waxa lagu magacaabi jiray xilligii cusmaaniyiinta: (English: Grand Vizier (Sadrul Acdam) was a title given to the:)
- A.Taliyaha ciidanka
- B.Suldaanka
- C.Wasiirka 1aad
- D.Guddoomiyaha gobolka
- 73 dhibcood
Sannadkii 1302dii, Magaalada Buursa waxa magaalo madax ka dhigtay: (English: In 1302, Bursa was selected as a capital city by:)
- A.Cusmaaniyiinta
- B.Safawiyiinta
- C.Saljuuqiyiinta
- D.Hindida
- 83 dhibcood
Sannadkii 1897dii, Ururka Sahyuuniyadda caalamiga ah wuxu shirwaynihiisii 1aad ku qabtay magaalada: (English: The city that Zionists hold their first international meeting in 1897 was)
- A.Baariis
- B.Rooma
- C.Baarliin
- D.Baasil
- 93 dhibcood
Dadkii ugu horreeyay ee soo dega dhulka falastiin waxay ahaayeen: (English: First people to settle in Palestine were)
- A.Aaraamiyiin
- B.Fiiniqiyiin
- C.Kancaaniyiin
- D.Baabiliyiin
- 103 dhibcood
Heshiiskii MuslimiiNtu la galeen Reer Baytul Maqdis waxa lagu magacaabaa Ballanqaadkii: (English: The treaty between the Muslims and residents of Beyt al Maqdis was called the treaty of:)
- A.Abuubakar
- B.Cumar
- C.Cusmaan
- D.Cali
- 113 dhibcood
Gobolka Kashmiir waxa Islaamku soo gaaray sannadkii 90 hijriga, waxana soo gaarsiiyay: (English: In the year 90 Hijri, Islam was brought to Kashmir by:)
- A.Xajaaj bin Yuusuf
- B.Maxamed Bin Qaasim
- C.Muusa Bin Nuseyr
- D.Daariq Bin Siyaad
- 123 dhibcood
Ruhinga waa dad muslimiin ah oo ku dhex nool waddanka: (English: The Ruhingya (Ruhinga) are a Muslim people who live in:)
- A.Shiinaha
- B.Hindiya
- C.Miyanmaar
- D.Sirilaanka
- 133 dhibcood
Hannaankii dawladnimo gaarsiinta uu hoggaaminayey talyaanigu wuxu koofurta soomaaliya ka dhaqan galay sannadkii: (English: In what year was the Italian Trusteeship implemented in Somalia?)
- A.1943dii
- B.1948dii
- C.1950kii
- D.1945tii
- 143 dhibcood
Calanka Soomaaliya waxa hindisey 1954tii: (English: Who designed the Somali flag in 1954?)
- A.Maxamed Cawaale Liibaan
- B.Cabdullahi Ciise
- C.Xaaji Bashiir
- D.Aadan Cadde
- 153 dhibcood
"Cadawgu bir ma aha ee burburiya, oo ilaashada Ciiddiina iyo calankiina" Ereyadaas waxa inta aanu dhiman kula dardaarmay saaxiibadiis halyey: (English: "The enemy is not made of steel. Destroy them. Protect your territory and flag" these were the dying words of:)
- A.Xalane
- B.Kaarshe
- C.Iidle
- D.Samatar
- 163 dhibcood
Gobollada koofurta iyo waqooyiga soomaaliya waxa ay midoobeen 1dii Luulyo sannadkii: (English: In which year did the northern and southern regions in Somalia unite?)
- A.1961
- B.1962
- C.1960
- D.1963
- 173 dhibcood
Soomaaligii u horreeyay ee talyaanigu u magacaabay guddomiye degmo wuxuu ahaa Sheekh Munye oo loo magacaabay guddoomiyaha degmada: (English: The first district commissioner appointed by the Italians in Somalia was Sheikh Munye. Which district was he appointed for?)
- A.Baydhabo
- B.Xuddur
- C.Kismaayo
- D.Diinsoor
- 183 dhibcood
Go'aankii la magac baxay "Baqshadda Guduudan" waxa 60 ka mid ah hawl wadeennada heerka 1aad shaqada uga ceyriyey Raisul wasaare: (English: In the famous "Red Envelope" decision, which prime minister terminated (fired) 60 senior employees?)
- A.Cabdirashiid
- B.Cabdirisaaq
- C.Cigaal
- D.Cumar Carte
- 193 dhibcood
Golahii sare ee kacaanku waxa uu ka koobnaa: (English: The Revolutionary Politburo in Somalia was composed of _____ officers:)
- A.20 Sarkaal
- B.25 Sarkaal
- C.18 Sarkaal
- D.23 Sarkaal
- 203 dhibcood
Qaab dagaalkii Cumar Mukhtaarkii Liibiya Adeegsan jiray wuxu ahaa: (English: What type of military approach did Omar al Mukhtar use in Libya?)
- A.Ku dhufo oo ka dhaqaaq
- B.Dagaal qabow
- C.Iska hor imaad
- D.Nooc kale
Weydiinta labaad: Ka jawaab weydiimaha Soo socda (40)
Part 2: Answer the following Questions (40). Marks per question not printed; 4 each assumed.
- 214 dhibcood
Falanqee Nidaamka Maaliyadeed ee dawladdii Cusmaaniyiinta (English: Analyze the Ottoman system of financial administration.)
- 224 dhibcood
Sharax Heerarka ay soo martay dawladda cusmaaniyiintu bilowgeedii (English: Explain the evolution of the Ottoman Empire.)
- 234 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah sababaha gudaha ee keentay tabardarida dawladda cusmaaniyiinta (English: State TWO internal reasons for the decline of the Ottoman Empire.)
- 244 dhibcood
Sheeg Laba Muhiimadood oo kashmiir u leedahay Baakistaan (English: List TWO importance of Kashmir for Pakistan)
- 254 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah gobolladii hoos tegayay Hannaanka dawladnimo gaarsiinta qaramada midoobay: (English: State TWO regions under the Italian trusteeship.)
- 264 dhibcood
Madaxwayne Aadan Cadde ayaa ku faanay 1967dii "waxan wareejinayaa hoggaan dawlad aan qofna fikir dartiis ugu xirnayn" Sheeg Aragtidaada ku aaddan Ereyadaas (English: President Adan Adde stated "I am transferring power when there is no one in prison for expressing their ideas" in 1967. Express your thoughts on this incident.)
- 274 dhibcood
Sharaxaad ka bixi Farqiga u dhexeeya Erayada: Afgembi iyo Kacaan (English: Differentiate between revolution and coup)
- 284 dhibcood
Sheeg labo ka mid ah Guulihii Kacaanka muddadii toddobada sano ee ugu horeysay (English: State TWO achievements of the Somali Revolution in the first seven years.)
- 294 dhibcood
Is barbar dhig hannaankii labadii maamul ee rayidka iyo Ciidanka ee soomaaliya (English: Compare and contrast the civil and military rule in Somalia)
- 304 dhibcood
Sharaxaad ka bixi kaalintii ingiriisku ku lahaa jabintii kacdoonka mahdiga (English: Explain the British role in defeating the Mahdi in Sudan)
Imtixaanka waxaa diyaarisay Federal Ministry of Education, Culture and Higher Education (MoECHE), Somalia. Waxaa lagu wadaagay bilaash si ardaydu ugu diyaargaroobaan. Jawaabaha iyo sharaxyada waxaa qoray macallimiinta Sheerxirfad.




