About this course
Course-kaan waxa lagu baran doonaa sida loo sameeyo Brand Identity ama summadaha ganacsiyada, waxaa wada sameyn doonnaa summad innagoo adeegsan doonno farsamooyin kala duwan, waxa aaad awood u yeelan doontaa adigana in aad isku daydo mid lamida in aad sameyso, ugu yaraan qofka aan waxba ka aqooon summad sameynta waxa uu ka baran doonaa ilaa heer dhexe.
Comments (0)
STEAL LIKE AN ARTIST.
Buuggaan Steal like an artist waxaa qoray Austin Kleon oo aan aan idinla wadaagi doono buuggiisa kale ee "Show your work".
Ma aragtay qof fikir cajiib ah soo kordhiyay oo ay dadka la ashqaraareen, ma is waydiisay fikirkaas siduu ugu dhashay, dadkana ay ku jawaabaan; aniga oo qubaysanaayo ayay igu so dhacday, habeen baan ku riyooday, hooyadey baa ii duceys iyo qaar lamid ah.
Xaqiiqada sidaa ma aha oo qoraagu waxa uu leeyahay; ma jiraana wax asal ah(Nothing is orginal), ee waxa jira wax la so koobiyeeyay balse wax lagu kordhiyay.
Inta aad akhrineysid buugga waxa uu ku fari doonaa in aad ahaato had iyo jeer mid wax baara, waxkasta oo aad aragto misane kugu cusub, baarid ku samee oo google-ka weydii.
Ku dayo dadka aad rabtid inaad sidooda oo kale noqotid. Tusaale ahaan, hadaad rabtid inaad qoraa noqotid, ku dayo dadka ku cajabiyay hab qoraalkooda iyo habka ay wax u qoraan, waxaa la yiraahdaa; waxaa tahay shanta qof ee kugu hareersan ee aad kaga dayanayso waxaas aad sameeneyso ayaga ayaana kaso dhex dhalataa.
Shan qof oo aad jeceshay qoraaladooda ama buugtooda, qaabka ay wax u qoraanna aad iska dhig dhigto, ugu danbeyn natiijada shantaas oo lai s ku geeyay ayaa adiga noqotaa. Hadaba ka fiirso cidda kugu hareereesan ee aad rabto inaad wax kaga dayato.
Waxa uu qoraagu ku tusaaleenayaa in mararka qaar 1+1 ay lamid tahay 3, asiga oo ku sii faafaahinaaya hidda sidaha dadka oo haddii gabadh iyo wiil is guursadaan ay dhalaayaan cunug hida sadahooda xambaarsan sidaasna ay ku noqdeen saddex. Si lamid ah fikradaheena waa sidaas oo waxa markastaba isku shaandheen iyo cusbooneesiin aan ku sameynaa fikrado dadkii innaga horeeyay.
Qoraaga waxa uu leeyahay, waxyaabaha dadka ka hor istaago in ay wax qabtaan, wa in ay ka fikiraan waxkastaba inay u qabtaan sida ugu quruxda badan, sido kalena ay iska aaminaan in waxaan ay ku cusubyihiin ayna sugaayaan xilli ku haboon oo ay si wanaagsan u yaqaanaan. Balse sirta ayaa ah in waxa aad rabto inaad ku wanaagsanaato ay qurux badanatahay inaad la kacaa kufto adigo waxba ka garaneynin, isla markaana aad ku celceliso heer aad ugu danbeynna aad is aragto adigoo ah sida aad ku hammin jirtay.
Waxyaabaha uu ina baraaya ee ugu muhiimsan waa in xatooyada cilmiga 'plagiarism' uu yahay wax aan wanaagsaneen. Xatooyada cilmiga waa wax qof kale uu sameeyay oo waqti iyo dadaal badani uu galiyay in aad si fudud iskaga qaadato oo aad magacaaga isaga qoroto.
Buugga ciwaankiisana dadka qaar baa ka aaminay in uu boorinaayo in wax la xado, balse waxa uu ku talinayaa in la isticmaalo lahaansho(copy) casriyeesan, oo ah fikrdaha soo xad balse qabo oo kala dhigdhig, wax cusubna ku dar, kadib fikrad ka duwan midda hore kaso saar.
Inta aan buuggaan akhrinayay, waxa igu soo dhacay kuwa badan oo maryooley ah, kuwaas oo ganacsiyada kala xadaayo iyado aanan waxba laga baddelin, bal suureyso waxa goobaha kafeega(coffe shop) ee Muqdisho ku yaala, dhammaantood markaa eegto wax wayn oo ay ku kala soocan yihiin majiraana. Waxaas oo kalena waa dabaal la'aan badweynta dhexda ka fariso.
Si gaar ah Buuggaan waxa kula talinayaa qofkasta oo xirfadle ah, gaar ahaan hadaad naqshadeeye ila tahay waan kugu sii adkeynayaa inaad akhrisato.
Ku mahadsanid akhrintaada.
halkaan kala dag:
http://chrome-extension://efaidnbmnnnibpcajpcglclefindmkaj/https://laithaljunaidy.com/books/assets/files/Steal-LikeanArtist.pdf
SHOW YOUR WORK
Buuggaan waxaa qoray Austin Kleon, waana buug howl farid iyo dhabbihii loo maraayay tilmaamaya. Qoraaga waxa uu tibaaxaya ilaa iyo 10 fikradood kuwaas oo ku baraarujinayo qofkasta oo xirfad ama wax ka dhex guuxayaan, balse aan haynin tabihii uu isaga soo saari lahaa waxaa laabtiisa ku kaydsan, bulsha badanna anfici lahaa. Hala dhiman cilmi ay bulshadaada u baahi qabto, adiga oo ka xishoonaya ama marmarsiyo kale samaysanaya.
Talooyinka uu qoraagga soo bandhigaayo waxaa kamid ah;
1) Uma baahnid inaad cabqari mar la arag ah aad noqoto. Waxa uu qoraagu leeyahay waxa aad jeceshahay ee aad ku fiicantahay soo bandhig oo la wadaag dadka, waxaas haddii xitaa aadan khabiir ku ahayn soo bandhig oo billow, markaa kadib adiga oo khabiir ku noqday ayaa is arkaysaa, kadibna dadka danaynnaayo majaalkaas aad so bandhigtayna iyagaa kuso raaci doono.
2) Haka fikirin maxaad ka heli doonta waxaan aad sameeneesid, taa baddelkaada ka fikir habka ugu tolmoon ee aad ku gudbin laheed. Qoraaga waxa uu ku talinayaa lacag iyo wixi la xiriira in iyaga iska imaan doonaan, balse ku dadaal waxa aad jeceshahay ee aad u heelantahay gudbintooda sidii ad wax ugu kordhin laheed. Wariye la yiraahdo David Carr ayaa la waydiiyay talo oo kula talin lahaa ardayda, waxa uu yiri;"Cidna CV-kaaga kama dhex akhrisan karto waxa aad ku fiicantahay, ee waxay rabaan waxa aad farahaaga yaryar ku qabatay" yacni wax i tusi itaabsi ah ayaa lagaa filayaa oo laga sugaayaa, ee waraaq cidkastaba isaga qoran karto wixii ay damacdo waxba laguma qiimeeyo.
3) Maalinkastaba wax yar soo bandhig. Qoraaga waxa uu ammaanaaya tusalayaal la taaban karana uso qaadanaayo in wax badan oo aad halmar so bandhigtaa ay ka wanaagsantahay waxyar oo joogta ah. Hadalkaas markaa eegtid waxaa kugu soo dhacaaya xadiiskii suubbanaheenna Muxammed NNKH inoogu dardaarmay 1400 sano ka hor ee ahaa:"Allaah aktiisa camalada loogu jecleyahay waa midka la joogteeyo, haba ahaado mid yar e."
Isaga oo sii wato hadalkiisa waxa uu leeyahay, platformska kala duwan ee baraha bulshada mid ka dooro oo kuso bandhig waxa aad ku wanaagsantahay ama aad jeceshay. Haka baqan inaad dad wayso ee bal joogtee waxa ad soo bandhigaysid. Tusaale kale waxa uu u soo qaadanaayaa nin lagu magacaabo Tommy Edison oo aragti la'i ku dhashay ayaa bartiisa instgramka soo dhigi jiray maalinkastaba sawir noloshiisa ah, mudda gaaban ayaa waxa ku soo xirmeen bartiisa @blindfilmcritic dad gaarayo 30kun.
Tusaalahaas waa midka ugu waxqabadka yar ee la dhihi karo waa la tusaalayn karaa, balse qofka caafimaadkiisa iyo lixdiisa lixaad u dhammeystiranyihiin, majaal gaar ahna nolsha ka xiiseenaaya haddii uu ku dhiirado in uu soo bandhigo cid taageerto waayi maayo.
Wax aad rabtid in aad ku wanaagsanaato haday jiraan dadka bar ayuu leeyahay qoraaga. Waxa ay waxaas noqon doonaan wax aanan maskaxdaada ka bixin dadkana ka faa'idaystaan adigana aqoon badan kaaga kororto.
Ugu danbeyn, waxaan ku leeyahay hadda qoraalka intaan soo gaartay oo aad gabgaba timid waxaan kugu baraarujinaaya in aad xirfadda aad jeceshahahy aad dadka la wadaagto sido kalana aad joogteyso practice inbadan inaad sameyso. guuleyso.
halkaan kala dag:
https://indianpdf.com/show-your-work-pdf/
