Dooro Midaad Ka Hesho
Qeybta iyo Bilaabida Barashada.

Waxaan Dooneynaa inaan waxbaridda iyo barashada ka yeelno mid soo jiidasho leh, oo ardayga uu u yahay udub dhexaad aanan laga maarmin.

Bilowgeenni

SheerXirfad waa Hal-abuur Bar Waxbarasho Online ah, taasoo la aasaasay 2021, iyadoo yoolku yahay
isbadal weyn lagu sameeyo habka Bulshada Soomaaliyeed wax u bartaan una kasbadaan xirfado qiimo & Tayo sare leh. SheerXirfad waxaa yagleelay koox barayaal aqoon sare leh,
kuwo Tiknoolajiyadda u dhuun daloolo, iyo ganacsato aragtay baahida loo qabo waxbarasho uu ardayga soomaaliyeed heli karo goor iyo goob walba.

Yool & Aragti

Yoolkeena waa inaan soo gudbino Waxbarasho tayadeedu sareyso isla markaana qiimo jaban.
Dhinaca kale aragtideennu waa inaan awoodooda tusno dhalinta Soomaaliyeed inagoo hogaan u noqoneyno
Baraha waxbarashada online-ka ah.

Waxyaabahaan ku faani kaarno

Mid la heli karo

Waxaan ku dadaaleynaa inaan waxbarasha ka yeelno mid ay dhamaan
qeybaha kala duwan ee bulshada heli karaan iyadoon loo eegeyn, Dhaqaale, Deegaan ama awood.

Qof ahaan

Waxaan waxbarashada ka yeelaynaa mid qofka baahidiisa aqooneed dabooleyso.

Xaqiiqooyin kusaabsan Sheerxirfad

0

Koorsooyin La Daabacay

0

Muuqaal

0

Arday

0

Barayaasha

Howl Wadeenadeena

La kulan Howl Wadeenadeeda Sheerxirfad

Cabdiwali Khaliif
Cabdiwali Khaliif
Maamulaha guud
Mustafe Xareed
Mustafe Xareed
Madaxa hawlgelinta
Cabdixakiin Cilmi
Cabdixakiin Cilmi
Madaxa Tignoolajiyada