Shuruudahan macalinka waxa la cusboonaysiiyay Juun 22, 2023.

Markaad macalin-nimo iskaga diiwaan geliso Sheerxirfad , waxaad ogolaatay inaad u hogaansanto Shuruudaha Macallinka (“Shuruudaha”). Shuruudahani waxay daboolayaan tafaasiisha ku saabsan dhinacyada khuseeyo Macallimiinta waxaana lagu daray iyadoo la tixraacayo Shuruudaha Isticmaalka, shuruudaha guud ee xukuma isticmaalkaaga adeegyadeena.

Macallin ahaan, waxaad si toos ah ula heshiineysaa Sheerxirfad.

1. Waajibaadka Macalinka

Macalin ahaan waxaad masuul ka tahay dhamaan waxaad soo gudbineyso oo dhan, hadey ahaan lahaayeen; Casharo, Leyliyo, Faylal Tababar, imtixaano, waajibaad, Maraajic, Jawaabo, wargalino IWM.

Waxaad dammaanad qaadaysaa :-

  • Sax ahaanshaha iyo xaqiiqada Macluumaadka aad soo gudbineyso.
  • In aad haysato ogalaansho walbo oo lagama maarmaan u ah koorsada aad soo gudbinayso sida; Shatiga (License), Xuquuqda, ogolaansho iyo lahaansho. Waxaadna SHEEXIRFAD u fasaxaysaa in ay u isticmaasho sii gudbinta koorsadaada sida ku cad .Shuruudaha isticmaalka. adeegyadeena
  • In koorsada aad soo gudbineyso aysan ku xad gudbeynin xuquuqda ama dhaawaceyn cid kale oo sadexaad.
  • In aad haysato shahaadooyinka, iyo khibrada loo baahan yahay (ay ku jiraan waxbarashada, tababarka, aqoonta, iyo soo gudbinta xirfada) si’aad wax u barto oo aad u bixiso aqoonta aad lawadagayso ardayda.
  • In aad masuul ka tahay xaqiijinta tayada aqoonta / xirfada ad soo gudbinayso, waana inay u dhigantaa heerarka xirfadaha / aqoonta ee caalamiga ah.

Waxaad dammaanad qaadaysaa in aadan :-

  • Soo gudbineyn macluumaad qaldan, cid kale wax u dhimayso, anshaxa ka fog, iyo wax walba oo kasoo horjeedo diinta iyo dhaqankeena soomaaliyeed.
  • Ku Soo gudbineynin adeegyadeena wax aadan fasax u heysan, wax xayeysiin ah, ama wax is dabamarin noqon karo.
  • U isticmaaleyn adeegyadeena Ganacsi ama bisnis aan aheyn Wax barid, soo gudbinta Casharo iyo jiheynta ardada.
  • Cid kale iska dhiganeyn ama aadan cid kale akoonkeeda adeegsaneyn.
  • farageliyaan ama haddii kale ka hor istaagaan macallimiinta kale inay bixiyaan adeegyadooda ama waxa ku jira; ama
  • Si xun u isticmaalin adeegyada Sheerxirfad sida qeybta Taageerada Macmiilka.

2. Shatiga Sheerxirfad

Macalin ahaan waxaad Sheerxirfad xaq u siiyey, sida ku cad Shuruudaha isticmaalka, iney u bandhigto, suuq geyso, sidoo kalana ka Faa’iideysato Waxaad soo gudbisay (Content). Waxaa arrintaas ka mid noqon kara sida in content-ga aad soo gudbisay wax lagu daro, ama laga badalo si hab fudud loogu helo. Waxaad sidoo kale Sheerxirfad u ogolaatay in Xaqaad siiyey ay cid Sadexaad shati kasii siiso sida tusaale ahaan; Ardada si toos ah iyo sii iibgeeya-yaasha, qeybiya-yaasha, affiliate marketers (Suuqgeeya-yaasha online-ka), website-yada wax lagu xayeysiiyo, iyo xayeysiinta lacagta ah ee website-yada kale lagu sameeyo.

Hadduusan Heshiis gaar ah jirin, waxaad xaq u leedahay inaad la baxdo Dhamaan Content-ga aad soo gudbisay ama qeyb ka mid ah, kana saarto adeegyadeena kala duwan xili kaste. Hadduusan heshiis gaar ah jirin, arrintaas waxay dhaqan galeysaa oo uu istaagayaa xaqa ay Sheerxirfad u leedahay iney arday cusub ka iibiso Content-gaaga 60 Bari kadib markaad dalab arrintaas ku saabsan soo gudbiso. Marki laga reebo:

  1. Ardadii gadatay koorsadaada ama Content-gaaga kahor codsigaaga, ee la siiyey helid abid ah (lifetime access), oo waxa ay xaq uleeyihiin inay kasii faa’ideystaan.
  2. Waxaan sidoo kale Meesha ka baxayn xaqa aad Sheerxirfad horay oogu siisay iney suuqgeyn ahaan u isticmaasho Contentigaaga.

3. Kalsooni & Wada Shaqeyn

3.1 Kalsoonida iyo Siyaasadda wada shaqeynta

Waxaad ogoshahay inaad u hogaansanto siyaasadda Tayo dhowr-ka Sheerxirfad taasoo xilli ka xilli isbadal uu ku imaan karo. Waa inaad isha ku heyso siyaasadahan wixi isbadal ama cusbooneysiin ee ku yimaado si joogto ah. Waa inaad ogaato in isticmaalka adeegyadeena ay u baahanyihiin ogolaanshaha Sheerxirfad oo aqbali karto ama diidi karto si caqli gal ah.

Waxaan xaq u leenahay inaan Content ka saarno, joojino lacag bixin, ama inaan macalimiin ka saarno adeegyadeeda ogeysiis la’aan gaar ahaan xaaladahan hoose:

  • Hadduu content-ga ka hor yimaado siyaasadeena ama xeerarkeena sida Shuruudaha isticmaalka ;
  • Hadduu Content-ga ka hoos maro heerka Tayada ee noo dagsan ama uu saameyn taban ku yeelanayo ardadeena.
  • Hadduu macalinku la yimaado dhaqan si taban Sheerxirfad wax u dhimayo ama sumcad dhaawacayo, ama fadeexad u keeni karo.
  • Hadduu macalinku la fal galo adeegyo suuq-geeye ama Shuraako Ganacsi oo ku xadgudbayo siyaasadaha Sheerxirfad.
  • Marka macalinku u isticmaalo adeegyadeena hab ku dhisan tartan cadaalad darro, sida inuu website ku xayeysiiyo ganacsigiisa aan online-ka aheyn ama hab kale oo siyaasadaha Sheerxirfad ka hor imaanayo.

3.2 Xiriirka ardayga iyo macalinka

Macalimiintu xiriir toos oo heshiis ah lama laha ardayda, sidaas daraadeed macluumaadka kaliya ee aad ka heli doonto ardayda waa kuwa ku diiwaan gashan adeegyadeena.
Waxaad ogolaatay inaadan u isticmaali doonin xogta aad kahesho sheexirfad, ujeedo kasta oo aan ka ahayn inaad siiso aqoontaada ardayda Sheerxirfad , iyo inaadan codsan doonin xog shakhsi oo dheeraad ah ama aanad ku kaydin xogta gaarka ah ee ardayda meel ka baxsan Sheerxirfad.
Waxaad ogolaatay inaad bixiso magdhow wixii sheegasho ah ee ka dhasha isticmaalida xogta gaarka ah ee ardayda meel ka baxsan Sheerxirfad.

4. Jaangoynta Qiimaha Koorso/Content

Waxaad adeegyadeena kusoo gudbin kartaa koorso/Content lacag la’aan ah iyo mid iib ah. Markaad adeegyadeena kala duwan Kusoo bandhigto Koorso ama Content iib ah, waxaad awood u leedahay inaad xadido qiimaha aasaasiga. Sheerxirfad waxay xaq u leedahay iney qiimahaas dib u fiiriso waqti kaste iyadoo ku sameyn karto wax ka badal ku saleysan Tayada iyo shuruucyada kala ee u dagsan adeegyadeena. Waxaad ogolaatay inaad ka qeyb qaadato Qiimo dhimis ay Sheerxirfad Sameyso Xiliyada munaasabaadka kala duwan ay jiraan.

5. Wadaagga Dakhliga

5.1 Qoondada Macalinka

Marka ardaygu iibsado koorsada macalinka uu soo gudbiyay, waxaa la xisaabinaynaa inta jeer ee la gatay. Boqoleyda macalinka waxay noqonaysaa 60% ee dakhliga koorsada kasoo xaroodo, kadib marka laga jaro qiimaha khidmada ee lacagta loo diraayo macalinka.

Haddii aan wax ka bedelno qoondada macalinka ee boqolayda ah (percentage), waxaan ku wargalin doonaa macalinmiinta 30 maalmood ka hor annagoo adeegsanayno iimayl ama ogeysiis ku dhejinayno adeegyada kala duwan ee Sheerxirfad. Macalinku waa in uu nalasoo wadaago meeshi lacagta loogu diri lahaa sida EVC, E-dahab, Akoon Bangi ama PayPal. Sheerxirfad waxa ay xaq uleedahay wax ka badalka iyo wax ka dhimida shuruudaha kor kuxusan ayada oo lala wadaagayo dhamaan isticmaalayasha adeegydaeena.

5.2 Lacag Celin (Refund)

Waxaad ogtahay aadna aqbashay iney ardada xaq u leeyihiin lacag celin sida ku xusan Siyaasadda lacag celinta. Macalimiinta wax dhakhli ah kama helayaan lacag celinada la sameeyo ee ku saleysan Siyaasadda lacag celinta. Haday dhacdo in lacag macalinka la siiyey uu arday soo codsado in loo celiyo waxaa sameynaynaa laba arrin midkood;

  1. In aan lacag bixinta xigto ee macalinka la siin lahaa laga jaro ama
  2. Hadeysan jirin lacag danbe oo macalinka la siinayo ama haraadi ku filan oo ooga haray koorsadiisa la gatay, waxaan macalinka ka dalbanaa inuu ardada lacagta u celiyo.
6. Tirtidda Ciwaankaaga

Macalinka wuxuu awood u leeyahay inuu ciwaankiisa ama Akoonkiisa Sheerxirfad Tirtiro. Hadey jirto wax lacag ah oo macalinka uu muteystay waxaan la wadaagi doonaa intuusan akoonkiisa tirtirin. Waxaad fahansantahay laakiin in hadey jiraan arday gadatay koorsadaada ay sii heysan doonaan Koorsadaada oo wadato magacaaga.

7. Wax ka badal Shuruudahan.

Shuruudahan muddo marki la joogaba inaan wax ka badalno ayaa suuragal ah si’aan u cadeyno wadashaqeynteena ama aan usoo bandhigno wax ka badal aan ku sameynay habka aan u shaqeyno, sida inaan soo kordhino waxyaabo cusub. Waxaa Sheerxirfad u dhowran xaqa ay u leedahay iney shuruudahan wax ka badasho waqti kaste. Hadaan wax kabadal weyn ku sameyno shuruudahan waan kusoo wargalin doonaa anagoo adeegsan doono habab xiriir kala duwan sida iimayl-ka aad kusoo bandhigtay akoonkaaga ama waxaan wargalin soo dhigi doonaa Baraheena kala duwan. Wax ka badalada waxay dhaqan gal noqonayaan maalinka aan soo bandhigno hadaanan si kale u sheegin.

Kadib isticmaalka aad sii isticmaasho adeegyadeena waxay ka dhigantahay inaad aqbashay isbadalkaasi. Shuruudo kasta oo dib loo eegay ayaa ka baddali doona dhammaan Shuruudihii hore.

8. Sida Naloola Soo Xiriiro.

Sida ugu wanaagsan ee aad nagula xiriiri karto waa inaad iimayl noogusoo dirto:info@sheerxirfad.com. Waxaan jecelnahay inaan maqalno su’aalahaaga iyo fal celinta ku saabsan Adeegyada aan bixino.